Soomaalida oo loogu baaqay inay ka fogaadaan hayb-sooca.


Bidix: Dahir Dayax, Ismaaciil Hure Buubaa, Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi), Maxamed Xasan Daryeel iyo Cali Dooy


Khamiis, May 5, 2011 (HOL) - Kulan balaaran oo lagu qabtay Hotelka Grand Royal ee xaafadda Eastleigh (ISLII) ayaa Soomaalida lagu boorriyay inay ka fogaadaan hayb-sooca..

Kulankan oo dadka kasoo qayb galay ay ka mid ahaayeen abwaanka  caanka ah ee Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi , Wasiirkii hore ee amuuraha dibadda ee Soomaaliya, IsmaaciIL Hurre Buubaa iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa si wayn loogu cambeereeyay nidaamka 4.5 ee ay ku dhisantahay DKMG ah ee dalka Soomaaliya.

Ugu horeyntii waxaa kulanka warbixin kooban ka soo jeediyry madax ururka  Somali Organization for Minority Rights and Aid Forum (SOMRAF) Maxamed Xasan Daryeel oo sheegay in dhibaatooyin aad u badan ay maalin waliba la kulmaan dadka la hayb-sooco gaar ahaan markii ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay.


Maxamed Ibrahim Wasame (Hadraawi) iyo Maxamed Xasan Daryeel Madaxa ururka SOMRAF


Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka hadlay doorka siyaasadeed ee hayb kala sooca ayaa ku tilmaamay in dulmi badan oo siyaasadeed loo gaystay dadka la hayb sooco ee Soomaaliyeed.

“ Isticmaarkii ayaa qayb ka ahaa hayb sooca, dhalinyaradii SYL waa la dagaallameen gumaysiga iyo hayb sooca, dawladii kacaankuna arrintaas wax badan ay ka samaysay oo horumar ah, laakiin wuxuu mar walba la socdaa dawlad la’aanta, markii waddanku burburayna dhibta ugu wayni waxay gaadhay dadka la hayb sooco, waana dulmi”. Ayuu yiri xildhibaan Buubaa.

Abwaanka wayn ee Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa jaahilnimo ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed si gaar ah loola dhaqmo oo bulshada laga takooro.

Isagoo qisooyin badan oo taabanaya inaysan dadka la hayb soocaa ka karti yarayn dad ka kale ka sheegay goobtaas  ayuu abwaanku si qiiro leh uga hadlay dhibaatada dadkaasi ay kula kulmaan bulshada dhexdeeda.

“ Marka ay noqoto kartida iyaga ayaa xirfad leh, marka ay noqoto geesinimada oo ay Soomaalidu ku faanto waxaan sheeko ku maqlay in ninka gabooyaha ah marka uu dagaalka galo goobta looga carari jiray oo uu oran jiray ma aniga iyo falaadhaydii baa meesha ku haray, haddana markii aan diidnay inaan wada gob noqonno innagoo dhan baa gumownay “. Ayuu yiri Abwaan Hadraawi.

Daahir Dayax oo ku hadlayay magaca aqoonyahannada ayaa sheegay in hayb sooca uusan haysannin qabiilo gaar ah kaliya ee Soomaaliya la bartilmaameeedsado dadka xirfadda iyo aqoonta leh.

Daahir ayaa ku tilmaamay hayb sooca mid ka fog diinta Islaamka, waxaana uu dalbaday in dhaqanka Soomaalida gabi ahaanba laga saaro ficilkaas foosha xun.

Kulanka oo ay soo qabanqaabiyay ururka u dooda xuquuqda dadka laga tiro badanyahay ee Soomaaliyeed (SOMRAF ) ayaa ku soo beegmaya xilli nidaamka 4.5 uu noqday mid ka hirgalay Soomaaliya iyadoo nidaamkaas iyo tacadiyada ka dhanka dadka laga tiro badanyahayba ay meel ka dhac ku yihiin diinta Islaamka iyo Xuquuqda Aadanahaba.

 

Axmed Cabdisamad Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi - Kenya