Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya oo maanta ku dhawaaqday inay dalka gelisay heegan buuxa

Arbaco, May 04, 2011 (HOL) Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka la gelisay heegan buuxa si loo hortago weerarro ay Al-Qaacida ugu aar-gudayso hoggaamiyahoodii la dilay Sheeh Osama Bin Laden, sidoo kalena heegan joogto ah la geliyay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen afhayeenka xukuumadda Soomaaliya isla markaana ah la taliyana dhinaca warfaafinta ee ra'iisul wasaaraha C/raxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yariisow) iyo afhayeenka booliiska G/sare C/llaahi Xasan Bariise ayay ku shaaciyeen heeganka la geliyay dalka.

"Xukuumadda KMG waxay go'aamisay in dalka la geliyo heegan buuxa oo ah meeshii ugu sarreysay, sidoo kalena hay'adaha amniga ayaa lagu amray inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii ay amniga loo sugi lahaa," ayuu yiri Inj. Yariisow oo la hadlay warbaahinta.

Afhayeenku xukuumadda wuxuu intaas ku daray in ciidamada dowladda KMG ah la galiyey heegan joogto ah, isagoo sheegay in heegankan lagu dhaqangelinayo inaan hub lagu dhex qaadan magaalada, in la yareeyo socodka gaadiidka xlliga habeenkii ah laga bilaabo 9:00 fiidnimo marka laga reebo gaadiidka sharciyeysan.

Gaadiidka sharciyeysan ee la ogol-yahay inuu socon karo habeenkii ayuusan xusin afhayeenka xukuumadda KMG ah noocooda iyo cidda wadata.

"Heeganka dalka la geliyay waxaa ka mid ah in dib u habeyn lagu sameeyo ciidanka, in la ilaaliyo amaanka goobaha ay shacabku ku badan yihiin iyo in dowladdu ay dib ugu soo celiso gacanteeda dalka oo dhan," ayuu Inj. Yariisow hadalkiisa raaciyay.

Mudane Yariisow ayaa wuxuu intaa ku daray in shacabka Soomaaliyeed laga codsanayo inay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka sugaya si looga hortago falal ammaanka qalqal-gelinaya.

Sidoo kale, afhayeenka ciidanka booliiska G/sare C/llaahi Xasan Bariise oo ka hadlay shirka jaraa'id ayaa isaguna sheegay in ciidamada DKMG ah amar lagu siiyay inay heegan buuxa galaan oo ay ka hortagaan wax walba oo khatar ku ah ammaanka.

G/sare Bariise ayaa sidoo kale sheegay in la filan karo inay ka dhacaan caalamka oo dhan iyo Soomaaliya qaraxyo loogu aargudayo Sheekh Oama Bin Laden oo weerar ka dhacay dalka Bakistaan ay ku dileen ciidamada badda Mareykanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya