Arbaco, May, 04, 2011 (HOL) Inkastoo qeybo badan oo ka mid ah gobolka Hiiraan ay hadda ka da'ayaan roobab ay siweyn ugu diirsadeen dadka iyo duunyada, ayaa haddana dhianca kale waxaad moodaa in wali taagan tahay baahidii ka dhalayta abaarta saameyta darran reeb, waxaana wali socda gurmad lagu gar gaaryo dadka ay abaaruhu ku dhufteen, kuwaasoo intooda badan ay dhaafeen dhamaan wixii duunyo ay dhaqanayeen.
Raashin ka kooban 525-kiish oo bur ah ayaa la gaarsiiyay deegaannada ay ku nool yihiin dadka ay abaartu saameynta xun ku yeelatay, gaar ahaan dadkii ay intooda badan dhaafeen xoolihii ay dhaqanayeen, waxaana deeqdaasi gaarsiiyay gudi iyo culima'udiin loo xilsaaray in ay deeqda qeybiyaan.
Meelaha ugu darran ee guddigu raashin-ka geeyay ayaa waxaa ka mid ah degmada Maxaas, Moqokori, Nuur-fanax, Baadheere, Dib-ugal, Teedaan, Dheegati, iyo Tuulooyin intaa ka sii badan, waxaa siweyn deeqda u soo dhaweeyay dadkii ka faa'ideynta oo u badnaa dadka jilicsan sida caruurta iyo haweenka.
Guddiga iyo Culima'udiinka deeqdan u qeybiyay dadka dhibaateysan ayaa u sheegay HOL walow hadda meelaha qaar laga soo sheegayo roobab ka curtay in haddana wali baahidii halkiidii tahay, iyaga oo ka codsaday Jaaliyaddaha dibada in ay kaalmo la soo gaaraan dadka dhibaateysan oo xitaa haddii ay roob helaan aan heysan wax ay ku sii noolaadaan, maadaama ay abaartu dhaafisay inta badan duunyadii ay ku noolaayeen.
Goballka Hiiraan waxaa uu ka mid yahay goballada dalka Soomaaliya ee abaaru sida darran u saameysay, gaar ahaan dadka xoola dhaqatada ah oo intooda badan meel cidlo ah fadhiya, waxaana hubaal ah in wali dadku u sii baahan yahay gacan loo fidiyo, gaar ahaan waqtigan roob-ka oo laga yaabo dadka kuwoodu ugu sii nugul in ay u adkeysan waayaan dhibicda roob-ka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya
Deeq raashin ah oo loo qeybiyay qoysas ku dhibaateysan deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan
More News
- Soomaalida oo loogu baaqay inay ka fogaadaan hayb-sooca.
- Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya oo maanta ku dhawaaqday inay dalka gelisay heegan buuxa
- Bannaanbax lagu taageeray dilkii Usaama Bin Laden iyo guulaha DKMG ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho
- Sheekh Fu'aad Maxamed Qalaf oo beeniyay inuu ku dhintay dagaallo ka dhacay Gobolka Gedo
- Caruur qabta Jadeeco oo la jiifiyay cisbitalka Boosaaso
- Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay saraakiisha ciidanka DKMG ah iyo kuwa AMISOM
- AXMED SIILAANYO: "Waanu soo dhawaynaynaa Dilka hoggaamiyihii Al-Qaacida Usama Bin Laden"
- Xoogagga Xarrakatul Shabaab oo weerarro gaadmo ah ku qaaday gaadiid ay wateen ciidamada DKMG iyo kuwa Ahlusunna
- Maxkamad ku taalla dalka Spain oo 439-sano oo xabsi ah ku xukuntay burcad-badeed Soomaaliyeed