Bannaanbax lagu taageeray dilkii Usaama Bin Laden iyo guulaha DKMG ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Arbaco, May 04, 2011 (HOL) Bannaanbax ay ka qaybgaleen boqlaal qof oo lagu taageerayay dilkii loo gaystay Usaama Bin Laden ayaa maanta ka dhacay barxadda ex-fiyoore ee magaalada Muqdisho, banaanbaxayaasha ayaa waxay sidoo kale ku muujiyeen dibadbaxooda sida ay u taageersan yihiin horumarka ay ciidamada DKMG ah ka sameeyeen dagaalladii ugu dambeeyay ee ka kala dhacay gobolka Gedo iyo magaalada Muqdisho.

Dadweynaha dibadbaxa ka qaybgalayay ayaa waxay ugu baaqeen beesha caalamka inay gacan ka geystaan sidii muddo ku filan loo siin lahaa xukuumadda KMG ah si ay u dhamaystirato howlaha ku saabsan amniga, lana tixgeliyo codsigeeda ah in dib loo dhigo doorashada muddo hal sano ah.

Mas’uuliyiintii dadweynaha hortooda ka hadlay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Muxyadiin Xasan Afrax isagoo halkaa ka aqriyay bayaan kasoo baxay bannaan-baxayaasha.

Bayaanka ayaa wuxuu u qornaa sidan:

1- Waxay ururrada bulshada rayidka ah ee isugu soo baxay banaanbaxan ay si weyn u soo dhaweenayaan dilkii Usaama Bin Laden iyagoo u arka inuu khatar ku ahaa ammaanka iyo nabadda Soomaaliya, waxayna dowladda Maraykanka ugu hambalyeynayaan guushaas iyo bulshada kale ee caalamka ee gacanta ku siisay.

2- Bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxay ka codsanayaan dowladda Maraykanka iyo caalamka intiisa kale khaasatan dowladaha ciidamadooda joogaan Soomaaliya inay taageero ciidan, mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale siiyaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya si ay uga takhalusto ama u ciribtirto Al-shabaab, ajaanibta la socda iyo gogaamiyahooda si dalku amni iyo nabad u helo.

3- In xukuumadda lagu taageero dadaalka ay ugu jirto nabadaynta magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka, isla markaasna la siiyo waqti ku fillan oo ay howlaheeda shaqo ku dhamaystirato, lana tixgeliyo codsigeeda ah dib-u-dhigidda doorashada halka sanno ah.

4- In la joojiyo dacaayadaha abuuri kara kala fogaansho iyo qalalaase siyaasadeed isla markaana kala dhantaali karta abaabulka ciidan ee ku wajahan Al-Shabaab meel kasta oo ay Soomaaliya ka joogaan.

Hiiraan Online, News Desk