Arbaco, May 04, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay kulan kula yeeshay Muqdisho saraakiisha ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, isagoo kala hadlay dagaallada ka socda Muqdisho.
Sheekh Shariif oo khudbad dheer u jeediyay saraakiishan ayaa wuxuu hadalkiisu ahaa mid u badan dardaaran u jeediyay saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya, isagoo ku boorriyay inay laabta ku hayaan inay yihiin kuwii dalkooda iyo dadkooda badbaadin lahaa.
"Dalalka Masar iyo Tuuniisiya waxay tusaale wanaagsan u noqdeen in ciidamadu ay badbaadin karaan dalkooda markii ay dhibaato ka dhaco, idinkana sidaas oo kale ayaa la idinka doonayaa," ayuu ku yiri Sheekh Shariif saraakiishii uu la kulmay.
Saraakiisha ciidamada AMISOM ayuu kula dardaarmay inay xoojiyaan ammaanka goobaha ay kaga sugan yihiin Muqdisho, isagoo u sheegay inay yihiin ciidamo mar walba gacan ku siiya ciidamada DKMG ah dagaallada ay kula jiraan Xarrakatul Shabaab.
Madaxweynuhu wuxuu khudbaddiisa kusoo hadal-qaaday darajooyinka ciidamada la siinayo isagoo sheegay in ciidamo geesiyaal ah oo horay u socda darajo la siin karo balse askar gadaal u cararaya aan lasiin karin wax darajo ah.
"Darajadu waa inay ku muteystaan sarkaalku geesinimo iyo waxqabad, balse hebel waa balaayo ee darajo hala siiyo suurogal ma noqonayso," ayuu yiri Sheekh Shariif. "Saraakiisha waxaa looga baahan yahay in ciidamada ay xukumaan baraan inay dalka iyo dadka u adeegaan."
Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya oo carrabka ku dhuftay dagaalladii ka dhacay gobolka Gedo ayaa sheegay inay DKMG ah guulo ka gaartay, sidoo kalena looga baahan yahay ciidamada ku sugan Muqdisho inay howlgalladaas sugin ee ay kuwooda kasii wadaan Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya