Arbaco, May 04, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa soo dhaweeyay Dilka Hoggaamiyihii Shabakadda Al-Qaacida Usama Bin Laden, waxaanu sheegay in Xukuumaddiisu ay Caalamka kala siman tahay soo-dhawaynta dilkaas.
Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo wuxuu sheegay in tallaabadan lagu dilay Usama Bin Laden ay tahay mid ay soo dhawaynayso Dawladda Somaliland, isla markaana ay Xukuumad ahaan soo dhawaynayaan cid kasta oo la dagaallamaysa argagixisada.
"Dawladda Somaliland waxay ka qabtaa waxa dunida caalamka intiisa badani ka qabo (Dilka Usama) oo ah in argagixisada Caalamka lala dagaallamo. Argagixisadu anaga dhibaato wayn ayay noo geysatay, waa la ogaa khataraha iyo dhibaatada ay noo geysatay iyo duullaanka ay nagu soo qaadeen, hawlaha badan ee ay ku hayaan mandaqadda aanu ku nool nahay iyo dunida inteeda kaleba. Markaa, wixii argagixisada la dagaallamaya iyo wixii ka horjeedaba, waanu soo dhawaynaynaa anagu, siyaasaddayadu taas ayay ku fadhidaa, waananu soo dhawaynaynaa (Dilka Usama)," ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo oo u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.
Mar uu Axmed-Siilaanyo ka hadlayay waxa uu rejaynayo ama aragtida uu qabo dilkan Usama Bin Laden ka dib, ayaa wuxuu sheegay in uu rejaynayo in dilkaasi noqdo mid soo af-jara dagaallada iyo ismiidaaminta ay wadaan Kooxaha xag-jirka ahi, "Waxaanu Ilaahay ka rejaynaynaa in ay noqoto (Dilka Usama) mid wax ka tara la-dagaallanka lagula jiro argagixisada, isla markaana wax ka dhinta weerarada ay fuliyaan kooxaa xag-jirka ahi iyo falalka ay kula kacayaan Caalamka," ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Somaliland waxay ka mid noqonaysaa dalal tiro badan oo ka mid ah Beesha Caalamka, kuwaas oo soo dhaweeyay dilka Usama Bin Laden oo Maraykanku sheegay in Axaddii uu ku dilay Weerar uu ku qaaday Guri ku yaala magaalada Abbotabad ee dalka Pakistan, ka dib markii ay Ciidamada Maraykanku weerarkaas ku waajaheen dagaal socday muddo afartan daqiiqo ah.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland