Xoogagga Xarrakatul Shabaab oo weerarro gaadmo ah ku qaaday gaadiid ay wateen ciidamada DKMG iyo kuwa Ahlusunna

Arbaco, May 04, 2011 (HOL) Xoogagga Xarrakatul Shabaab ee ku sugan gobolka Gedo ayaa weerarro gaadmo ah ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusunna ay wateen, weerarradaas iyo is-kahorimadyo daba-socday ayaa dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

Weerarradan ayaa shalay iyo xalay ka dhacay deegaanno u dhexeeya degmooyinka Garbahaarey iyo Luuq oo labadaba ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG ah iyo xoogagga Ahlusunna Waljamaaca.

Dagaal kooban oo dhacay weerarrada kaddib ayaa inta la xaqiijiyay waxaa lagu dilay sideed qof oo u badan ciidamadii DKMG ah iyo kuwa Ahlusunna oo ahaa kuwii la bartilmaameedsaday, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Warar aanay HOL xaqiijin ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ku dhinteen laba sarkaal oo ka kala tirsanaa ciidamadii dowladda KMG ah iyo kuwii Ahlusunna ee weerarrada lagu qaaday, kuwaasoo aan la hayn magacyadooda.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ee DKMG ah Maxamed Cabdi Kaliil oo saxaafadda la hadlay weerarradaas kaddib ayaa qiray inay jiraan khasaarooyin dhankooda soo gaaray isagoo sheegay in dhinicii kale ay khasaare u geysteen.

"Ciidamadii dowladda iyo kuwii Ahlusunna ee la weeraray waxay gaareen degmada Luuq oo ay ku socdeen, waxaana soo gaaray khasaare nafeed oo kala duwan, balse dhinaca kale ayaa naga khasaare badnaa," ayuu yiri Kaliil.

Xarrakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaan iyagu weli ka hadlin weerarrada ay ku qaadeen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlusunna oo ay dagaalladii ugu xoogganaa ay maalin ka hor ku dhexmareen xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab ee dhinaca howlgallada Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa horay u sheegay inay badaleen qaabkii ay u wadeen dagaallada ay kula jiraan ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusunna ee ku sugan Gobolka Gedo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya