Arbaco, May 04, 2011 (HOL) – Xukuumadda Spain ayaa ku xukuntay 439-sano oo xabsi ah laba wiil oo Soomaali ah kuwaasoo la sheegay in sannadkii 2009 ay ku qabsadeen afduub dooni kalluumeysi oo dalkaas laga leeyahay iyo shaqaalaheedii socday xilli ay marayeen badweynta Hindiya, taasoo laga bixiyay madaxfurasho lacageed si loo badbaadiyo doonida iyo shaqaalaheedii.
Maxkamadda sare ee Spain ayaa xukunka ridday. Waxaana labada wiil lagu kala magacaabaa C/weli Cabdullaahi (Raage-geesey) iyo Xasan Xaaji oo muddo dheer ku jiray xabsiyada dalka Spain.
Doonida ay afduubka u geysteen kooxda ay labadan wiil ka tirsanaayeen ayaa lagu magacaabaa Al-akrana iyo 36-shaqaale ah oo la socday taasoo ay afduubka ku qabsadeen bishii Oktoobar ee sannadkii 2009 ayna haysteen 47 maalmood.
Waxaa lasoo wariyay in doonida iyo shaqaalaheedii laga bixiyay 3.3-milyan doollar oo madaxfurasho ah si ay kooxda burcadbadeedda ah u sii-daayaan. iyadoo ciidanka kumaandoosta ah ee dalka Spain ay qabteen labadan wiil ee la xukumay.
Xukunkan ayaa noqonaya kii ugu dheeraa ay ee dowladda Spain ku riddo rag ay ku eedeynayso inay yihiin burcadbadeed, waxaana uu imaanayaa iyadoo dhawaan maxkamado ku yaalla dalka Mareykanka ay xukunno kala duwan oo ay ku jiraan kuwo xabsi daa'in ah ay ku xukuntay dhallinyaro lagu helay falal burcad-badeednimo ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya