Isniin, May 16, 2011 (HOL) – Dood-cilmiyeed ku saabsan sida dhallinyarada maanta ay ugu nugul-yihiin in la qaldo oo lagu soo beegay munaasabadda 15-ka May oo ku aaddan 68-guuradii kasoo wareegatay aasaaskii ururkii gobanimo doonka ee SYL ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD oo soo agaasintay munaasabadan iyo dood-cilmiyeedkan ayaa waxaa ka qayb-galay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG oo isugu jiray wasiiro, iyo xildhibaano, culummo, waxgarad iyo haween ka socday qaybaha bulshada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa in ka badan 100-dhalinyaro ah oo ka socday degmooyinka gobolka Banaadir.
Ugu horreyn; munaasabadan ayaa waxaa furay xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo horay u soo nqoday wasiirkii howlaha guud iyo guriyeynta ayaa ka hadlay taariikhda ururkii dhallinyarada SYL iyo halgankii ay u soo galeen gobonimada dalka.
Xildhibaanka ayaa sheegayinuu isaga ka mid ahaa agoontii SYL, isagoo xusay in aabihii lagu dilay dhagaxtuur taariikhda markee aheyd 1949-kii, wuxuuna si gaar ah uga sheekeeyay taarikhdii iyo dhaq-dhaqaaqii gobanimo-doonka ahaa ee ay horseedeen dhalinyaradii 13-kii SYL.
"Waxaa mudan inaan munaasabadan ku xusuusano 68-sano kaddib dhaq-dhaqaaqii gobanimo-doonka, aniga waxaa ka mid ahaa agoontii SYL, si gaar ah ayay taariikhda aniga ii taabatay, aabahey dhagaxtuur ayaa lagu dilay 1949, Soomaaliya way kala duwan tahay 68-sano ka hor iyo maanta dhalinyaro, waayo xilligaas waxaa is xushay dhallinyaro muwaadiniin ah oo Soomaaliyed kuwaasoo ku fikiray inay dalka xoreeyaan," ayuu Xildhibaanku yiri.
Waxaa uu tilmaamay in halgankii SYL uu soo maray heerar kala duwan, isla markaana sanadihii 1943 ilaa 1956 ay dhaceen illaa afar dagaal oo ahaa mid lagu raadinayay halganka gobonimo doonka, gumeysigii jirayna la isaga dulqaadayay.
"Dalkan doorkiisa waxaa laga rabaa dhallinyarada maanta joogta, waa inay la diriraan kuwa qabyaalada ku wada, kuwa jabhadaha ka dhigaya iyo cid walba oo dhibaato kuwadda, waa inaad ka hortaagtaan, waana inaad difaacdaan calanka," ayuu yiri xildhibaan Yuusuf oo dhalinyarada maanta ku guubaabiyay inay qaataan doorkii dhalinyaradii hore ee SYL.
Sidoo kale, waxaa ka hadlay munaasabada ka hadlay xildhibaan Cali Maxamuud Faarax Cali oo uga mahad-celiyay hay'adda wadahadalka bulshada inay Soomaalida u furtay wado ay ku kulmaan, isagoo sheegay inay suura-gelisay in bulshada qaybaheeda kala duwan ay ku kulmiso goobo si loo helo horumar iyo nabadgelyo.
Cali Seeko ayaa sheegay in Soomaaliya 68-sano ka hor iyo maanta ay aad u kala duwan tahay, isagoo tibaaxay in loo baahan yahay in doorkii 68-sano ka hor ay dhalinyaradu qaateen looga baahan yahay kuwa maanta inay oo aqoonyahanno ah inay xoojiyaan, ayna ku dadalaan in dalkooda ay ka bixiyaan dhibka uu muddada dheer ku jiray.
"Dhalinyaradu waa inay u diyaar-garoobaan, ayna dalka ka samatobixiyaan xaaladda uu hadda ku jirto, iyagoo kaashanaya waxgaradka, odayasha dhaqanka, culimada iyo haweenka. Dhallinyaro wadankiina waa idiin baahan yahay, waana inaad mustaqabalka dalkiina horumarisaan oo aad ku wa dhibaatada wada wax u sheegtaan," ayuu yiri Xildhibaan Cali Seeko.
Sheekh C/qaadir Soomow oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhallinyarada maanta si toos ah loogu adeegsado dagaallada isla markaana dhalinyarada ay noqdeen kuwo labo qayb ah, isagoo sheegay in looga baahan yahay dhallinyarada inay isku uur noqdaan ayna dalka ka badbaadiyan dhibaatooyinka raagay.
Sidoo kale, nabadoon Muxiyadiin Xasan Afrax oo hadlay ayaa isaguna sheegay in 68-dii sano ee lasoo maray uu aad uga duwan yahay dalka maanta, wuxuuna xusay in dhallinyarada maanta la qalday, qaarkoodna la daroogeeyay, iyagoo loo adeegsaday dano guracan sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa kale oo munaasabadda ka hadlay afhayeenka beelaha banaadiriga C/llaahi Sayid Cali oo sheegay in looga baahan yahay in dhallinyarada maanta ay noqdaan kuwo daacadnimo u abuura sidii ay dalka ugu soo dabaali lahaayeen nabad, isagoo sheegay in aanay suurageli karin in dalka cabsi la geliyo.
"Waxaa laga rabaa dhalinyarada inay abuuraan jawi is-faham oo daacadnimo ah, sidaas darteed waxqabad inay la yimaadaan dhalinyarada dalkooda, ayna kaashadaan aqoonta ay leeyihiin ay u kaashadaan sidii ay u samatabixin lahaayeen dalkooda," ayuu yiri C/llaahi Sayid Cali.
Xoghayaha guud ee dallada ururada bulshada Faadumo Aadan Cosoble oo iyaduna goobta ka hadal kooban ka jeedisay ayaa tilmaantay heerka uu maanta dalku marayo yahay mid aad u xun, waxayna xustay in dhallinta loo adeegsado dagaallo, iyadoo tilmaamay in waalidku uu caruurtiisa ku boorriyo wax u qabashada dalkiisa,
Wasiir-u-dowlaha wasaaradda Tamarta, Macdanta, Biyaha iyo Shidaalka xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in dhallinyarada ay noqdeen kuwo loo adeegsado hurinta dabka shidan iyo xabbadii lagu ololinayay sida basiinka iyo taraqa, waxayna intaas ku dartay in dhallinyarada maanta jirta loo baahan yahay inay buuxiyaan booskii 13-kii dhalinyaro ee SYL, isla markaana raacaan dariiqa wnaagsan.
Waxay sheegtay in dhallinyaradii hore ay lahaayeen xasaanad lagu ixtiraamo, iyadoo carrabka ku dhufatay in loo baahan yahay in dhallinyarada ay ka tashadaan sidii ay uga saari lahaayeen dalka dhibaatooyinka uu ku jira isla markaana ay ka hor tagaan in loo adeegsado hurinta colaadaha.
Ugu dambeyn waxaa munaasabada soo xiray Sheekh Maxaadey Maxamuud Jilicow ayaa dhalinyarada kula dar daarmay inay noqon kuwo lagu adeegto, wuxuuna ugu baaqay inay raacaan waddadii ay horay u mareen dhalinyaradii SYL, isagoo hadaladiisa u badnaa mid dhinaca diinta uu kaga tusaaleynayay dhalinyarada sidii ay wadada toosan u marin lahaayeen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya