3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2011
Taariikh nololeedkii Allaha u Naxariistee Sheekh Cumar Faaruuq oo ku geeriyooday dalka Sucuudi Carabiya

Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) Sheekh Cumar Faaruuq Xaaji Cabdi-Suldaan Xaaji Maxamuud wuxuu ku dhashay degmada Qooxley oo Qallaafe iyo Qabridaharre u dhaxeysa, halkaasi oo magaceeda caanka ahi yahay "Carmaale" . Carmaale waxaa dariiqa diimeed ka hayey aabihiis Xaaji Cabdi-Suldaan, dariiqadaasoo ka koobanayd dugsi Quraan iyo barida diinta islaamka oo uu hayey Sheekh waalid u ahaa Sheekh Cumar Faaruuq oo la oran jirey macallin Cusmaan Macallin Dhicis.

Sheekh Cumar-Faaruuq wuxuu ka dhashay qoys diineed. Hooyadiis, Caasha Sheekh Axmed Guure, isaga oo 3 jir ah ayey geeriyootay, aabihiisna wuxuu ka dambeeyey saddex sano. Waxaa markaa Sheekh Cumar Faaruuq soo koriyey ayeeydiis hooyo iyo walaalihiis ka waaweynaa. Macallinkiisu wuxuu ahaa abtigii hooyadii la dhashay oo macallin Xuseen Sheekh. Axmed-Guure la yiraahdo. Sheekh Cumar Faaruuq quraanka kariimka ayuu halkii ku xifdiyay, kabacdina wuxuu bilaabay in uu baro Cilmiga isaga oo 14 jir ah ayaa Fiqiga loo billaabay, Kitaabka Safiinatu Salaat ayaa waxa u billaabay Sheekh waalid u ahaa Sheekh Cumar Faaruuq oo lo oran jiray Sh. Cusmaan-Jire Sh. Xuseen-Dhaqane.

Dhinaca barashada luqada Carabiga Allaha u naxariistee Sheekh Cumar Faaruuq wuxuu nasiib u helay inay guriga ay ugu akhrin jireen niman walaallihiis ah oo ay ka mid yihiin Sheekh Shaafici Xaaji Cabdi-Suldaan iyo Sh. Murshid. Waxay bareen Sheekh Faaruuq cilimiga Naxwaha, Ajruumiga, Camriidiga, Mulxaha, Mutamimka, Qadriga iyo ilaa Alfiyaha. Qaybta Sarfiga waxaa u akhriyey wadaad awowgiis ah oo la oran jirey Xaaji Maxamuud Xaaji Cabdulle, Tafsiirka waxaa u khriyey wadaad la dhihi jirey Sh. Yuusuf muddadaasoo uu magaalada Qallaafe xer ku ahaa.

Sheekh Cumar Faaruuq asaga dad yar ayuu ka soo tagay magaalada Qalaafo asaga oo yimid magaalada Muqdisho. Mudo yar asaga oo joogo magaalada Muqdisho ayuu Sheekh Cumar Faaruuq wuxuu noqday qof ilaahay siiyay hibo in uu dadka baro cilmigii ay soo bareen walaaladiis iyo qaraabadiis. Asaga oo wado fidinta cilmigii uu ka dhaxlay walaaladiis ayaa Sheekh Cumar Faaruuq wuxuu fursad markale u helay in cilmiga Xadiiska uu ka barto Sheekhii Caalimka ahaa ee cilmiga xadiiska Allaha u naxariistee Sheekh Ibraahim Muxumed Cali (Sh.Ibraahim Suuley).

Dabadeed Cumar-Faaruuq wuxuu galey madrassa ku taalley Xamar oo la oran jirey "Machadu-Diin bil-Muqdisho" oo ay Masaaridu dhigi jirtey. Halkaasi waxa uu ku dhameeyay dugsiga dhexe. Dugsiga sare waxa uu ku dhameeyay Machad-Altadaamun al Islaamiyah bil-Muqdisho oo ku oolli jirey lambar afar oo ay sucuudigu maamuli jireen. Sheekh Cumar Faaruuq marwalba wuxuu ahaa qof jecel kororsiga khayrka wuxuuna rumaysnaa arwalba in cilmiga aan laga dhargi Karin. Waxa uu aaday boqortoyada wadanka Sacuudiga waxa uuna galay "Jaamacadda Medina Almunawarah" kulliyadda"Al-Dacwa Wa-usuula-Diini", markaasoo taariikhdu ahayd 1975, wuxuuna ka qalin-jabiyey 1979kii.

Sheekh Cumar Faaruuq Jaamacadda markii uu dhameeyey waxa uu bilaabay faafinta diinta Islaamka isagoo xaruntiisu tahay Sacuudiga. Waxa uu duubay cilmi fara badan oo ay ka mid yihiin kutubo badan oo ilaa iyo 12 kitaab ah oo tafsiirka ah iyo siirada oo dhowr kitaab ah, manhajul-Muslim, Taysiirul-Aclaam, Arbaciinu-Al-Nabawi iyo kutub fara badan oo noocaas ah intii uu joogey Sucuudiga.

Kutubadaas uu Sheekh Cumar duubay ayaa gaarey meelwalba oo dunida. Waxaana yar qooys Soomaaliyeed oon haysan cajaladaha Tafsiirka Quraanka Kariimka ee Sheekh Cumar Faaruuq. Mudooyinkii danbena waxaa la sameeyay Maktabado loo bixiyay "Maktabadii Sheekh Cumar Faaruuq" si loogu xasuusto Sheekha marwalba in uu ahaa qof u istaagan barida diinta islmaamka. Kutubtaas dartood baa dadkii ku noolaa dibedda ay jecleysteen inay arkaan, markaasoo uu 1993kii bishii July 12keedii uu Shiikhu tegay dalalka Sweden, Norwey, Danmark, Finland, Swizarland, Ingiriiska oo uu ka sameeyay muxaadaraad iyo duruus kaleba. Kadib sannadkii 1996 ayuu ku noqday Soomaaliya, waxaanu tagey magaalooyinka Muqdisho, Marka, Qoryaaley, Afgooye, Wallaweyn, Buurhakaba, Beydhabo.

Sheekh Cumar Faaruuq intii ka dambaysay burburkii Soomaaliya waxa uu waday barnaamij ballaaran ooay ka mid ahaayeen midaynta culimada diinta ku abtirsada, la talinta iyo toosinta siyaasadda Soomaaliya; iyo waxbaridda ummadda Soomaaliyeed iyo sidii looga haqabtiri lahaa diinta, hadday tahay akhriska kutubta ama wacdi iyo waano.

Sheekh Cumar Faaruuq waa mufti ay si wayn bulshada Soomaaliyeed uga haybaysato, waxqabadkiisuna uu ka muuqdo dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba, iyadoo cilmigiisa dunida oo dhan laga wada raacdo. Sheekh Cumar oo kunoolaa wadanka Suciidiga laga soo bilaabo 1974 ayaa fursad u helay in uu booqdo laba goor magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda si ay urkaan inta jecel Sheekha. Sheekh Cumar Faaruuq, halkaasi oo uu ka bilaabay tafsiir xaafadda km 4, duruustaasi oo maqal iyo muuqaalba laga duubay si mar walba loo isticmaalo faafiddooduna u fududaato. Waxa uu islamarkaa Jimcayaasha jeedin jiray muxaadaro looga kala yimaado Muqdisho iyo magaalooyinka ku hareeraysan sida Afgooye, Marka, iyo Qoryoolay. Tirada ka soo qaygasha dhagaysigiisa waxa lagu qiyaasi jiray 4000 oo qof markiiba, iyadoo celcelis ahaan ay 1500 oo ka mid ahi haween yihiin.

Mudooyinkii danbe ayaa Sheekh Cumar Faaruuq Xaaji Cabdisultaan waxaa hayay xanuunyo farabadan oo runtii ka reebay in uu guto fidinta dacwada islaamka iyo barida diinta. Ahelkiisa waxay sheegeen in mudooyinkii danbe uu Sheekh Cumar Faaruuq asaga oo da’ ah hadana marwalba uu ka murugsanaa xaalka iyo dhibaatada ka taagan wadankii hooyo ee "Soomaaliya". Marwalba wuxuu rajeeynayay in uu arko ummada Soomaaliyeed oo u dhalatay doowlad caadil ah oo isu keenta ummada Soomaaliyeed. Ilaahay ma qadrin in uu Sheekh Cumar indhihiisa ku arko. Taariikhdu markay ahayd 08.03.2011, Maalin Talaado ah Saacadu, barqin 11AM magaalada Jeddah ee boqortooyada Sacuudiga ayaa Sheekh Cumar Faaruuq ay u timid tii ilaahay. Waana xaq sida ilaahay noo sheegay in nafwalba ay geeri dhadhamindoonto."كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ

Sheekh Cumar Faaruuq wuxuu ifka uga tgay afar xaas iyo 15 ilmood. Waxaan ilaahay uga baryaynaa in uu ehelkii uu katagay iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed sabar iyo iimaan naga wada siiyo. Sheekh Cumar wuxuu ahaa tiir ay ku tiirsato ummada Soomaaliyeed, Sheekh ay umada oo dhan ay jeceshahay. Sabir iyo iimaan ilaahay hanaga wada siiyo. Aamiin.

Xiish Caddaawe
[email protected]
Melbourne, Australia













Click here
3/9/2011 7:41 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Qoraal toddobaadkan kasoo baxay Maxkamadda sare ee dalka ayaa lagu dalbaday maxkamadda ciidammada qalabka sida inay u wareejiso dacwadda eedeysan Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) maxkamadda gobolka Banaadir.

3/9/2011 7:14 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Dood ay ka qaybgaleen in ka badan 50 ka mid ah haweenka suxufiyiinta ah ee Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Hotel saxafi ee magaalada Muqdisho, taasoo gundhiggeedu ahaa sidii lagu horumarin lahaa haweenka suxufiyiinta ah ee Soomaaliyeed waxaana dooddan soo agaasintay ha'yadda CCD.

3/9/2011 6:57 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta socod qaatay muddo saacado ah ku tagay aagagga ay degmooyinka Hodan, Holwadaag iyo Wardhiigley kaga sugan yihiin ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, isagoo socdaalkiisa markii uu dhammaaday la hadlay saxaafadda.

3/9/2011 6:13 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayay DKMG ka billowday xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhinaca Jubbooyinka oo ay ku xooggan tahay Xarrakatul Shabaab Al-Mujaahidiin, kuwaasoo u muuqda kuwo ay doonayaan inay ku weeraraan gobollada Jubooyinka

3/9/2011 2:48 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay xalay kala wareegtay xoogagga Xarrakatul Shababa deegaanno hoostaga degmada Rabdhuurre ee gobolka Bakool oo ku taalla xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

3/9/2011 2:47 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Barnaamijka cunnada adduunka ee WFP ayaa soo saaray warbixin uu ku sheegay inuu gargaar deg-deg ah u qaybinayo 50,000 qof oo ku nool Muqdisho iyo daafaheeda, kuwaasoo ay sheegeen inay haysato xaalad cuuno la'aaneed oo daran.

3/9/2011 2:44 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay xog ururin lagu sameeyay dadweynaha Soomaaliyeed oo ay Sabtida toddobaadkan soo bandhigay Hoyga Saxafiyiinta Muqdisho (Muqdisho Media House), iyadaoo sheegtay in tani u taagan tahay tallaabo loo qaaday dimoqoraadiyad dhab ah oo waddanka ka dhacda.

3/9/2011 1:58 AM EST
Arbaco, 09, Maarso, 2011 (HOL) Saakay waabarigii hore xali dadku isku diyaarinayay Salaada subax ayaa mar kaliya waxaa ku soo dhacay dhagaha dadka reer Beledweyne dhawaqa qarax aad u culus oo ka dhacay halka lagu magacaabo Buunda-koowaad oo ku dhaw xaafadda Nuur Xawaad.

3/9/2011 1:53 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Koobkan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka SYAO ayaa waxaa lagu maamuusayay maalinta haweenka adduunka oo ku beegnayd shalay, waxaana kasoo qaybgalay boqolaal haween ah, safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameerika, xiddigii hore ee Qaranka K/Koleyga Soomaaliya Saciid Qorsheel, guddoomiyaha Ahlusunah ee gobolka Banaadir Axmed Sheekh Aadan Dheere "Shuqul", aqoonyahanno iyo ganacsatada xaafadda Islii ee magaalada Nairboi.

3/9/2011 1:40 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada shaqaalaha, dhallinyarada iyo isboortiga dowladda KMG ah ee Soomaaliya, C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa dalbaday in DKMG ah xilliga loo kordhiyo si ay u sii waddo howlgallada milateri ee ay ku doonayso inay dalka oo dhan ku qabsato.