Axad, June 19, 2011 (HOL) – Ugu yaraan afar qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal xalay saqdii dhexe ku dhexmaray daafaha degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ciidamada DKG ah oo ay kaabayaan xoogagga Ahlusunna iyo dagaalyahannada Xarrakada Al-Shabaab.
Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa ka dhashay weerar ay xoogagga Al-shabaab ku qaadeen degmadaas oo ay ka taliyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna, iyadoo dagaalku 35-daqiiqo kaddib uu iskiis ku joogsaday.
Saraakiil u kala hadlay labada dhinac ayaa mid walba wuxuu sheegay inuu tiro askar ka dilay dhinaca kale, inkastoo goobjoogayaal ku sugan degmada ay xaqiijiyeen in afarta ruux oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ay ku dhinteen dagaalka.
Wararka saakay laga helayo degmada Baladxaawo ayaa sheegaya inay ku sugan yihiin ciidamadii dowladda KMG ah ee horay ugu sugnaa ayna xaaladdu tahay mid deggen, iyadoo aan la ogeyn halka ay aadeen xoogaggii Xarrakatul Shabaab ee weerarka ku qaaday degmadaas.
Degmada Beled-xaawo ayay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusunna la wareegeen horraantii bishii Maarso ee sannadkan, kaddib markii ay dagaal saacado badan qaatay kula galeen daafaha iyo gudaha degmadaas xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo horay uga talinayay.
Dhanka kale, xoogagga Xarrakada Al-shabaab ayaa xalay weerar madaafiic ah ku qaaday degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo oo ka mid ah degmooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlusunna, inkastoo aan la sheegin khasaare ka dhashay weerarkaas.
Xarrakada Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay weerarro ku qaadi doonto degmooyinka ay dowladdu kaga sugan yihiin gobolka Gedo oo ay iyagu ka talinayeen labadii sano ee lasoo dhaafay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya