Arbaco, 02 Feberaayo, 2011 (HOL) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo wareysi siiyay wakaaladda wararka Qarammada Midoobay ee IRIN, ayaa ka hadlay xalaadda dalka Soomaaliya, isagoo sheegay inaysan ciidammo u dirayn dalka ay dagaallo ka socdaan.
Mudane Geelle, ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda ay Soomaaliya ku sugan tahay, isagoo sheegay inay waqti iyo maal badan ku bixiyeen sidii nabad loogu soo celin lahaa dalka Soomaaliya, balse aysan taasi noqon mid hirgasha.
"Haddii Soomaaliya, ay ka baxdo dhibaatada, waxay dib u soo laabanaya sharaftii ay caalamka ku dhex lahayd, balse hadda ma garan karo sida lagu xallinayo arrinta Soomaaliya," ayuu yiri Geelle oo la hadlay IRIN.
Mudane Geelle, ayaa sheegay in inay ula muuqato in dadku ay sameeyaan kacdoon la mid ah kii ka dhacay dalka Tuuniisiya sameeyaan, balse taas waxay u baahan tahay in shacabka Soomaaliyeed loo sheego, ayna ka dalbadayaan dhinacyada hardamaya inaysan doonayn oo ay ka tagaan.
"Inta aan ka ognahay Soomaaliya, mar walba oo qof uu madaxweyne noqdo, koox ayaa oranaysa, kuma uusan imaan doonisteenna iyo codkeenna. Waxa keliya ee ay shaqsiyaadkaas diidayaan waa inaysan uga dhex-jeedin maamulkaas danahooda gaarka ah. Waxaana danta guud uga weyn middooda gaarka ah," ayuu mar kale yiri Geelle.
Mar la weydiiyay, in dalkiisa uu ciidammo u dirayo Soomaaliya iyo in kale, ayuu ku jawaabay: "Ciidammadeenna uma dirayno dagaal, balse walaalaheenna Soomaaliya waxaan u tababaraynaa ciidammo ku guuleysata inay nabadda soo celiyaan. tan aan doonaynana waa inaan dhisno awoodda ciidammada dowladda si ay u noqdaan geesiyaal nabadda u dhinta."
Hadalka, madaxweyne Geelle ayaa imaanaya iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti, uu sannadkii hore sheegay inay Soomaaliya u dirayaan 450-askari oo ka qaybqaata howlgala AMISOM ee ka socda Muqdisho.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in faragelin shisheeye oo lagu sameeyo Soomaaliya uusan xalka ku jirin. Balse xalka uu ku jiro in dadku ay xalkooda raadiyaan. Waxaan inta badan beesha caalamka ka maqlaa in dad badan ay ku barakaceen gudaha, kuwo kale ay qoxooti yihiin, kuwo kalena ay hubeysan yihiin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaailya