Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) Kadib dagaal culus oo maalintii shalay xoogag ka tirsan kuwa xarrakada Al-shabaab iyo kooxaha ka soo horjeeda ku dhaxmaray deegaannka Baar-dhuyac oo ka tirsan goballka Hiiraan ayaa wararkii ugu danbeeyay waxaa ay sheegayaan in xaaladu tahay mid degan
Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan in uu jiro khasaarre soo kala gaaray dhicyada dirirtu dhaxmartay, iyada oo sidoo kale dagaallku saameyn muuqata ku yeeshay dadkii reer miiga ahaa ku dhaqanaa deegaannada lagu dagaallamay.
Xoogagga xarrakada Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in dagaallku ahaa mid dhaxmaray ciidamo halkaa isku urursanayay oo ay ku jiraan kuwa dowladda Itoobiya islamarkaana khasaare gaarsiiyeen.
Laakiin dhinaca kala Afhayeen u hadllay maamulka Dooxada Shabeelle oo lagu magacaabo Max'ed Nuur Cagajoof ayaa sheegay in dagaallku ahaa mid dhaxmaray maamulkooda iyo xoogagga xarrakada Al-shabaab isaga oo intaa ku darray in ay guulo ka gaareen dagaallka.
Marka laga soo tago sheekashada labada dhinac wararka laga hellayo dadka deegaannka ayaa sheegaya in khasaaraha dhimashada ku dhaw dahay 10 ruux oo ka wada tirsan dhinacyada dirirtu dhaxmartay mana ah markii ugu horeysay oo xoogag ka tirsan xarrakada Al-shabaab dagaal kula galaan qeybo ka mid ah goballka kooxaha ka soo horjeeda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Soomaaliya
Wararkii ugu dambeeyay dagaal shalay ka dhacay tuulada Baar-dhuyac ee Gobolka Hiiraan
More News
- Xukuumadda Soomaaliya oo xirtay dad lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Bannaanbixii Nabadda
- Dibadbax Roob-doon ah oo ka dhacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo
- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in kuwii ka dambeeyay dhacdadii shalay la horkeeni doono cadaaladda
- Danjire Maxamed Cali Ameerika oo maxaabiis Soomaali ah ka sii daayay Xabsi ku yaalla Mombasa (SAWIRRO)
- Maydadka Burcadbadeed ay ciidamada K/Kuuriya ku dileen howlgal markab lagu furanayay oo Muqdisho la geeyay
- Golaha wasiirrada DKMG ah oo kulan ay yeesheen diiradda ku saaray falkii lagu xasuuqay bannaanbaxayaasha
- Maamulka Shirkada Dhismaha ee Mubaarak Group oo soo bandhigay waqabadkeeda tobankii sano ee tagay
- Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo maanta badashay guddoomiyihii maamulka gobolka Banaadir
- Hay'adda DBG oo maanta deeqa dawo ah ku wareejisay Isbitaallada Madiina iyo Banaadir ee Muqdisho (SAWIRRO)
- Waxgarad iyo xildhibaanno maamulka gobolka Banaadir ku eedeeyay falkii lagu dilay dad mudaaharaadayay
- Madaxweynaha Somaliland oo is-hortaagay qorshe Qaramada Midoobay u soo jeedisay
- Fannaankii Axmed Cali Haaruun (Dararamle) oo geeriyooday
- Dowladda Uganda oo ka jawaabtay eedeymo ay Hay'adda Human Rights Watch ay u soo jeediyay AMISOM
- Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku dhintay xeebta dalka Musambiik kaddib markii ay la dagtay doonni ay la socdeen
- Afhayeenka Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir oo sheegay inay qabteen miinooyin meelaha fog laga hago