Axad, December 25, 2011 (HOL) − Suxufiyiinta ka howlgala warbaahinta Muqdisho ayaa maanta isugu tagay xarunta madaxtooyada Soomaaliya iyagoo dalbanaya in sharciga la horkeeno kuwii ka dambeeyay dilkii wariye C/salaan Sheekh Xasan Xiis oo askari hubeysan uu ku dilay degmada Xamarjajab ee Muqdisho.
Wariyeyaasha dibadbaxa dhigaya ayaa waxay ka dalbanayaan madaxweynah iyo mas'uuliyiinta kale ee dowladda in sharciga la horkeeno kuwii ka dambeeyay dilkaas, iyadoo aysan jirin cid weli la hadashay suxufiyiinta.
"Sababta aan halkan u nimid waa inaan muujinno inay naga go'an tahay in sharciga la horkeeno dambiilayaashii geystay dilkii walaalkeen C/salaan Xiis, inta taasi ay suurogal noqonaysana dibadbaxyada way soconayaan," ayay dhowr wariye oo ka mid ah kuwa dibadbaxa sameynay u sheegeen warbaahinta.
Suxufiyiinta dibadbaxa dhigaya ayaa sheegay inay maqleen in lasii daayay ruux loo qabtay dilka wariyaha taasna ay keentay inay soo qabanqaabiyaan isku soo baxan si loo xaqiijiyo arrintaas.
"Dhammaan madaxda DKMG ah waxaan weydiisanaynaa in sharciga la horkeeno kuwii ka dambeeyay dilkaas, waayo waa dambiilayaal dilay suxufi ummadda u shaqeynayay," ayay wariyeyaashu mar kale sheegeen.
Suxufiyiintan ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin erayo ay uga soo horjeedan dilka marxuum C/salaan Xiis, waxaana dibadbaxan uu imaanayaa xilli ay madaxda DKMG ay qaarkood xalay dib ugu soo laabteen Muqdisho, kaddib ka qaybgalkooda shirkii Garoowe lagu soo gabgabeeyay.
Madaxda DKMG ah ayaa horay uga hadlay dilka wariye C/salaan Xiis, iyagoo xusay in sharciga la horkeeni doono ciddii ka dambeysay dilka wariyaha, iyagoo muujiyay inay ka xun yihiin dilkaas, balse ma jirto weli cid dilka wariyaha loo horkeenay sharciga.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya