4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 22, 2010
Dagaal Khasaare sababay oo Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Culumaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaac

Khamiis, July 22, 2010 (HOL) - Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dagaal maanta degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Xoogag taabacsan Xarrakatul Shabaab iyo Culumaa'uddiinka Ahulsunna, waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay 7-qof oo kale.

Iskahorimadka ayaa bilowday markii ciidamada Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay degmada Hodan ku leeyihiin Culummaa'udiinka Ahlusunna Waljamaaca, wuxuuna isku badalay dagaal weyn iyadoo qofka dhintay iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay ay dhamaantood ahaayeen rayid.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka ay barbar socotay duqeyn culus oo ka imaanayay saldhigyada ay ciidamada AMISOM ku leedahay Muqdisho, waxaana madafiicdu ay ku dhacaysay gudaha Suuqa Baakaraha iyo hareerihiisa.

Xarrakatul Shabaab iyo Ahlusunna Waljamaaca ayaan weli ka hadlin dagaalka, wuxuuse qayb ka yahay dagaallada ku dhexmara Magaalada Muqdisho kuwaasoo sababa khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaarta dadka shacabka ah ee aan dagaallada lugta ku lahayn.

Dagaalkan ayaa imaanaya xilli ay maalmihii ugu dambeeyay ka socdeen Magaalada Muqdisho dagaallo culus oo u dhexeeya Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaysa Ciidammada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay ka dhasheen khasaare nafeed oo baaxad weyn.

Tan iyo markii ay bilowdeen dagaallada u dhexeeya Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Ahlusunna iyo AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab oo ay isku dhinac kasoo jeedaan Ururka Xisbul Islaam ayaa waxaa dhintay in ka badan 20,000-qof oo shacab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya