3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 22, 2010
Dagaal Ciidamada Dowladda iyo Xarrakada Al-shabaab ku dhexmaray waqooyiga magaalada Beledweyne.

Khamiis, 22, July, 2010 (HOL) Wararka laga helayo deegaannka Ceel-gaal oo ilaa 13-km dhinaca Waqooyi kaga beegan Magaalada Beledweyne ee xarunta Goballka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus ku dhaxmaray Xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Dagaal oo ahaa mid leysku adeesaday hub-ka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu bilaawday kadib markii ay is arkeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo dhaq dhaqaaqyo Militari ka waday agagaarka Tuulada Ceel-gaal iyo kuwa Xarrakada Al-shabaab oo halkaa ka waday howlgal burcada lagula dagaalamayo.

Ilaa hadda dhab ahaan looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana dhamaanba isaga cararay deegaannada uu dagaallku ka dhacay dadkii rayidka ahaa ee ku dhaqanaa iyaga oo ka cabsi qaba wax yeelo ka soo gaartay dirirta u dhaxeysa labada dhinac.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaallka la galay kuwa Xarrakada Al-shabaab ayaa bilihii aynu soo dhaafnayba waxaa fariisin u aheyd deegaannka Kala-beyr oo dhinaca Waqooyi kaga beegan Magaalada Beledweyne, waxaana xusid mudan in Saraakiisha horkaceysa Ciidamada dhowr jeer oo hore sheegeen in ay wadaan abaabul dagaal oo ka dhan ah Xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab inta badan gacanta ku haya Goballka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/22/2010 3:12 PM EST
Khamiis 22, July 2010(HOL): Tartamadii xagaaga ciyaaraha K-koleyga Sweden ayaa si aad u qurux badan habeenimadii xalayto o taariikhdu ay ku begnayd 20 JULY 2010 loogu soo gabagabeeyay garoonka K-koleyga ee UNGDOMSHUS I ee ku yalla xafadda Rinkeby.

7/22/2010 2:17 PM EST
Khamiis, July 22, 2010(HOL): Maxamed Muuse Cabdi Jabroos oo ah Wakiilka Zone 4 ayaa wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, isagoo si gaar ah ugu hambalyeeyay qaabkii ay u dhacday Doorashadii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.

7/22/2010 1:57 PM EST
Khamiis, July 22, 2010 (HOL) - Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dagaal maanta degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Xoogag taabacsan Xarrakatul Shabaab iyo Culumaa'uddiinka Ahulsunna, waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay 7-qof oo kale.

7/22/2010 1:56 PM EST
Khamiis, 22, July, 2010 (HOL) Xiriirayaha arrimaha Bani'adanimada u qaabilsan QM Mark Bowdan ayaa hadal uu u jeediyay Golaha Amaanka ee QM waxaa uu ka sheegay in dalka Soomaaliya oo ka mid yahay ama la oran karo waxaa uu kagaga jiraan safka hore dalalka ay ka taagan yahay xaaladaha dhinaca Bani'adanimada kuwood ugu liita.

7/22/2010 1:55 PM EST
Khamiis, July 22, 2010 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa tagay Shalay oo Arbaco ahayd dalka Jaad si uu uga qaybgalo shirkii 12-aad oo ay dalalka Saaxil iyo Saxaaruhu oo ka dhacaya xarunta dalkaas ee N'djamena, kaasoo soconaya muddo laba casho ah.

7/22/2010 1:54 PM EST
Khamiis, July 22, 2010(HOL): Shirweynaha ay isugu yimaadeen Madaxda ururka Midowga Africa ee ka soconaya magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa lagu xusay in waqti kordhin loo sameyn doono ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ee ku sugan Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

7/22/2010 11:38 AM EST
Arbaco, July 21, 2010 (HOL) − Taliyaha ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya G/sare C/llaahi Cali Caanood ayaa maanta beeniyay inuu isku dhiibay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin isagoo ka jawaabayay hadal kasoo baxay Afhayeenka dhanka howlgallada ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

7/22/2010 11:38 AM EST
Arbaco, July 21, 2010 (HOL) − Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa maanta uga qaybgalay Magaalada Muqdisho oo xaflad loogu soo xirayay tababar 800-askari oo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya.

7/22/2010 8:10 AM EST
Khamiis,July 22,2010 (HOL) -Ciidamada amaanka Bosaaso ayaa maalintii Afaraad wada qorshe lagu musaafurinayo dhalinyarada ka soo jeeda koonfurta ee ku sugan degmada ,kuwaasi oo lala xiriirinayo danbiyadii Gobolka ka dhacay Bilihii la soo dhaafay.

7/22/2010 8:07 AM EST
Khamiis, 22 July 2010 (HOL)- Dawladda Itoobiya ayaa sii deysay xubno ka tirsan Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jira Dawladda dalkaas.

7/22/2010 8:05 AM EST
Khamiis, 22 July 2010 (HOL)- Maxkamad ku taala dalka Maraykanka ayaa Nin ka soo jeeda Gobolka Virginia ee dalkaas ku xukuntay eedayn loo haystay oo ah in uu dhaqaale ku taageero Xarakatul Shabaabul-Mujaahidiin, isla markaana laba jeer isku dayay in uu u socdaalo dalka Soomaaliya, si uu ugu biiro Al-Shabaab.

7/22/2010 8:04 AM EST
Khamiis, 22 July 2010 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa shaacisay welwel ay ka qabto cunto-la’aanta baahsan ee ka jirta Soomaaliya.