4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 22, 2010
Xiriiriyaha arimaha bani'adanimada u qaabilsan QM oo ka deyriyay xaalada dalka Soomaaliya.

Khamiis, 22, July, 2010 (HOL) Xiriirayaha arrimaha Bani'adanimada u qaabilsan QM Mark Bowdan ayaa hadal uu u jeediyay Golaha Amaanka ee QM waxaa uu ka sheegay in dalka Soomaaliya oo ka mid yahay ama la oran karo waxaa uu kagaga jiraan safka hore dalalka ay ka taagan yahay xaaladaha dhinaca Bani'adanimada kuwood ugu liita.

Mark Bowdan waxaa uu sheegay in ilaa 1.2 Milyan oo ruux lagu qasbay in ay dib yaal ka ahaadaan guryihii ay ku noolaayeen waxaana uu intaa ku darray in Sanadkan oo kaliya marka la eego Caasimada Muqdisho ay dib uga laabteen Gurya ilaa 200,000 oo ruux kadib markii ay u adkeysan waayeen dagaallada aan dhamaadka laheyn ee ka jirra Caasimada Soomaaliya.

Xiriiryaha Arimaha Bani'adanimada u qaabilsan QM Mr, Mark Bowdan waxaa uu intaa ku darray in looga baahan yahay QM in ay laba laabto gar gaarka la siiyo dadka ku dhibaateysan sida uu hadalka u dhigay duleedka Magaalada Muqdisho, isaga oo intaa raaciyay in marka la eego dadka Soomaalida la oran karo 40% waa kuwa ku tiirsan gar gaar ay ka helaan deeq bixiyayaasha.

Waxaa uu gaar ahaan siweyn uga deyriyay Mr, Bowdan Haweenka iyo Caruurta oo ah ayuu yiri kuwa nolaashoodu aad u liidato kadib markii ay waayeen sida uu hadalka u yiri daryeelkii loo baahnaa, waxaana uu sheegay in hadda gar gaarka ay bixiso QM uu yahay mid aan kuwada filneyn dadka dhibaateysan waxaana uu codsaday in la balaariyo kaalmada la siiyo barakacayaasha dhibaateysan.

Hadalka Xiriirayaha Arimaha Ban'adanimada ee QM Mark Bowdan ayaa ku soo beegamaya xili wali magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay ka sii socdaan dagaallada u dhaxeeya Ciidamda Dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda, kuwaasoo marka laga soo tago dhimashada iyo dhaawaca ay sababaan sidoo kale barakiciya qoysas hor leh oo ku biira kuwa ku dan dareysna daafaha magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]