4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 22, 2010
Midowga Africa oo waqti kordhin u sameynayo ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho

Khamiis, July 22, 2010(HOL): Shirweynaha ay isugu yimaadeen Madaxda ururka Midowga Africa ee ka soconaya magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa lagu xusay in waqti kordhin loo sameyn doono ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ee ku sugan Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Madaxa nabadda iyo amniga ee midowga Africa Ramtane Lamamre ayaa sheegay in qodobada looga hadlayo shirka midowga Africa ay kamid tahay sidii waqtiga loogu kordhin lahaa ciidamada AMISOM islamarkaasina ciidamo kale oo dheeri ah loogu diri lahaa dalka Soomaaliya.

Ramtane ayaa intaasi ku daray in ay suurto gal tahay in ciidamada cusub ee loo dirayo soomaaliya ay kamid noqdaan kuwa dalalka dariska la ah Soomaaliya ee Ethiopea iyo Kenya, waxaana uu sheegay in xaaladda Soomaaliya ay haatan tahay mid aad u Qatar ah islamarkaasina u baahan in si deg deg ah wax looga qabto.

Hadallada kasoo yeeraya masuuliyiinta ururka midowga Africa ee ku aadan arimaha Soomaaliya ayaa u muuqnaya kuwa ay xooga ku saarayaan sidii ciidamo dheeri ah loogu diri lahaa dalka Soomaaliya iyadoo uu hore  Madaxweeynaha dalka Uganda Yuweri Museveni uga codsaday Madaxda ururka Midowga Africa in howgallada isdifaacidda ah ee Ciidamada AMISOMee ku sugan magaalada Muqdisho loo badalo kuwo ay ku weeraraan goobaha ay ku suganyihiin ururrada Islaamiga ah ee kasoo horjeeda
jiritaanka Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliyo iyo weliba joogitaanka Ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya