4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 22, 2010
Ra'iisul wasaaraha Soomaliya oo maanta ka qaybgalya xaflad tababar loogu soo xiray ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya

Arbaco, July 21, 2010 (HOL) − Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa maanta uga qaybgalay Magaalada Muqdisho oo xaflad loogu soo xirayay tababar 800-askari oo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Ra'iisul wasaare Sharma'arke ayaa hadal uu u jeediyay ciidamada tababarka loosoo xiray wuxuu ku boorriyay inay gacan ka geystaan sidii ay u badbaadin lahaayeen shacabka iyo Qarannimada Soomaliya oo uu sheegay inay weerar ku yihiin kooxo xiriir la leh Ururka Al-Qaacida.

Ciidamada Tababarka loosoo xiray ayaa waxaa ku jiray 100-haween ah, kuwaasoo kusoo bandhigay xafladda gaaddo-ka-ciyaar, waxaana xafladda goobjoog ka ahaa Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaailya Gen. Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe).

"Waxaad tihiin ciidamadii ay shacabka Soomaaliyeed ku hurdeen, waxaana la idinka doonayaan inaad ummadda ugu shaqeysaan si hufan oo aanu laalaab ku jirin, waxaa la idinka doonayaa inaad dalka ka difaacdaan kooxo doonaya inay Qarannimada dumiyaan" ayuu iri Ra'iisul Wasaare Sharma'arke.

"Haddii aad idinku noqotaan kuwo daacad ah, ciidamada kale idinka ayay idinku dayanayaan shacabku way idin aaminayaan, balse haddii aad noqotaan kuwo dadka dib ugu laabta ogaada cid idin rabta ma jirto" ayuu Sharma'arke hadalkiisa raaciyay.

Fannaaniin Soomaaliyeed ayaa iyaguna xafladda ka qaadayay heeso ay ku ciidanka Booliiska ee tababarka loosoo ku guubaabinayeen, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay gabayo lagu muujinayo in ciidanka laga doonayo inay noqdaan halkii ay shacabku ku badbaadi lahaayeen.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Cali Madoobe oo hadal kooban ka yiri Xafladda ayaa sheegay in ciidamadan ay qaateen tababar socday muddo afar bilood ah, ayna barteen casharro ku filan oo ay bulshada ugu shaqeyn karaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya