4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 22, 2010
Dawladda Itoobiya oo Xabsiga ka sii daysay xubno ka tiran Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jirtay
Khamiis, 22 July 2010 (HOL)- Dawladda Itoobiya ayaa sii deysay xubno ka tirsan Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jira Dawladda dalkaas.

Siday sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Jigjiga, Dawladda Itoobiya ayaa Xabsiga magaalada Jigjiga ka sii daysay saddex xubnood oo ka tirsan Jabhadda ONLF ee ka dagaallama Ismaamul-gobolleedka Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo in muddo ah ku xidhnaa Xabsi ku yaala magaalada Jigjiga ee xarunta Kililka 5aad.

Xubnahan oo ay ka mid yihiin Cabdinuur Sooyaan, Dhiire Caafi, Bishaar Wacdi iyo Xasan Macalin Cali, ayaa loo haystay inay ka dambeeyeen falal ka dhan ah amniga. Waxaanay sheegeen in ay ka tanaasuli doonaan falalkii hore ay uga qayb qaadan jireen. “Hadda si nabadgelyo ah ayaan Gaadhi cad ugu kaxaysan karaa badhtamaha Jigjiga, taas oo macnaheedu tahay in Dawladda Itoobiya aanay waxyeello u gaysanayn shacabka.” Ayuu yidhi Cabdinuur, oo u waramay Idaacadda BBC-da.

Dawladda Itoobiya ayaa wada-hadallo la furtay Jabhadda ONLF, kuwaas oo muddo 20 sanno ku dhaw dagaallo kula jiray Dawladda Itoobiya.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.