4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 22, 2010
Maxkamad ku taala Maraykanka oo xukuntay nin lagu eedeeyay in uu taageero Al-Shabaab
Khamiis, 22 July 2010 (HOL)- Maxkamad ku taala dalka Maraykanka ayaa Nin ka soo jeeda Gobolka Virginia ee dalkaas ku xukuntay eedayn loo haystay oo ah in uu  dhaqaale ku taageero Xarakatul Shabaabul-Mujaahidiin, isla markaana laba jeer isku dayay in uu u socdaalo dalka Soomaaliya, si uu ugu biiro Al-Shabaab.

Zachary Adam Chesser oo da’diisu tahay 20-jir, kana soo jeeda Gobolka Virginia ee Maraykanka, ayaa waaxda Caddaaladda Maraykanku ay sheegtay in lagu helay oo ay Arbacadii ku caddaatay eedayn ahayd in uu taageero agab iyo dhaqaaleba isugu jirta siiyo Xarakatul Shabaabul-Mujaahidiin. Maxkamaddu waxa kale oo ay sheegtay in Chesser uu laba jeer isku dayay in uu ka socdaalo dalka Maraykanka oo uu tago

Soomaaliya, kuna biiro Al-Shabaab. Warku wuxuu intaa ku daray in Ninkan ay Hay’adda Sirdoonka ee FBI waraysi ka qaaday bishii May 2009, isla markaana ilaa muddadaa ay daba-gal ku hayeen.

Ninkan ayaa hore loo qabtay 10-bisha July mar uu isku dayay in isaga oo uu wehelinayo Wiil uu dhalay ay Diyaarad u raacaan dalka Uganda, markaas oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha JFK ee New York. “Kiiskani wuxuu shaaca ka qaadayaa jiritaanka xag-jirnimada ee in ay ka dhici karto meel kasta oo ay ka mid tahay Waqooyiga Virginia.” Sidaa waxa yiri Xeer-Ilaaliyaha Maraykanka Neil MacBride.

Mar uu Xeer-Ilaaliyuhu ka hadlayay Ninkan la qabtay iyo eedaynta loo haysto ee la sheegay in lagu helo, ayaa wuxuu yiri, “Ninkan da’da yari wuxuu ku eedaysan yahay in uu doonayay in uu ku biiro Al-Shabaab oo xidhiidh la leh Al-Qaacida. Eedaymahaasi waxay hoosta ka xarriiqaysaa sida loogu baahan yahay in laga hortego argagixisada ku soo badanaysa dalka.”

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.