3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 22, 2010
Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay cunto-yaraanta ka jirta Soomaaliya iyo xaaladda shacabka

Khamiis, 22 July 2010 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa shaacisay welwel ay ka qabto cunto-la’aanta baahsan ee ka jirta Soomaaliya.

Xidhiidhiyaha gargaarka bani’aadamnimo ee Qaramada Midoobay Mr. Mark Bowden ayaa sheegay in xaaladda bani’aadamnimo iyo cunto ee dadka ka baro-kacay dagaallada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay liidato. “Cunto-yaraanta Soomaaliya waajahday ma saamaynayso oo kaliya goobaha ay xukumaan Al-Shabaab ee sidoo kale waxay guud ahaan dalka.” Ayuu yiri Bowden oo Warbaahinta u waramay.

Mark Bowden wuxuu sheegay in ay jiraan tallaabooyin ay ka qaadeen sidii arrintan wax looga qaban lahaa, hase ahaatee aanay ku filnayn. Waxaanu sheegay oo kale in ay Warbixin ku saabsan habka isticmaalka qaldan ee caawimada iyo siyaasadda ay u gudbiyeen guddida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan cuna-qabataynta Soomaaliya.Qaramada midoobay ayaa sheegtay in 40% ama 3-Milyan iyo afar boqol oo qof oo dadka Soomaalida ka mid ahi.

Barnaamijka gargaarka bani’aadamnimo ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dalabkoodii sanadkan ee 596-Milyan oo Doollar, kuwaas oo 25% oo 50-Milyan oo Dollar ah ay u dalbadeen inay wax kaga qabtaan Biyaha, nadaafadda iyo Caafimaadka,  ay heleen 335-Milyan oo kaliya.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.













Click here
7/22/2010 3:12 PM EST
Khamiis 22, July 2010(HOL): Tartamadii xagaaga ciyaaraha K-koleyga Sweden ayaa si aad u qurux badan habeenimadii xalayto o taariikhdu ay ku begnayd 20 JULY 2010 loogu soo gabagabeeyay garoonka K-koleyga ee UNGDOMSHUS I ee ku yalla xafadda Rinkeby.

7/22/2010 2:17 PM EST
Khamiis, July 22, 2010(HOL): Maxamed Muuse Cabdi Jabroos oo ah Wakiilka Zone 4 ayaa wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, isagoo si gaar ah ugu hambalyeeyay qaabkii ay u dhacday Doorashadii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.

7/22/2010 1:57 PM EST
Khamiis, July 22, 2010 (HOL) - Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dagaal maanta degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Xoogag taabacsan Xarrakatul Shabaab iyo Culumaa'uddiinka Ahulsunna, waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay 7-qof oo kale.

7/22/2010 1:57 PM EST
Khamiis, 22, July, 2010 (HOL) Wararka laga helayo deegaannka Ceel-gaal oo ilaa 13-km dhinaca Waqooyi kaga beegan Magaalada Beledweyne ee xarunta Goballka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus ku dhaxmaray Xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

7/22/2010 1:56 PM EST
Khamiis, 22, July, 2010 (HOL) Xiriirayaha arrimaha Bani'adanimada u qaabilsan QM Mark Bowdan ayaa hadal uu u jeediyay Golaha Amaanka ee QM waxaa uu ka sheegay in dalka Soomaaliya oo ka mid yahay ama la oran karo waxaa uu kagaga jiraan safka hore dalalka ay ka taagan yahay xaaladaha dhinaca Bani'adanimada kuwood ugu liita.

7/22/2010 1:55 PM EST
Khamiis, July 22, 2010 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa tagay Shalay oo Arbaco ahayd dalka Jaad si uu uga qaybgalo shirkii 12-aad oo ay dalalka Saaxil iyo Saxaaruhu oo ka dhacaya xarunta dalkaas ee N'djamena, kaasoo soconaya muddo laba casho ah.

7/22/2010 1:54 PM EST
Khamiis, July 22, 2010(HOL): Shirweynaha ay isugu yimaadeen Madaxda ururka Midowga Africa ee ka soconaya magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa lagu xusay in waqti kordhin loo sameyn doono ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ee ku sugan Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

7/22/2010 11:38 AM EST
Arbaco, July 21, 2010 (HOL) − Taliyaha ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya G/sare C/llaahi Cali Caanood ayaa maanta beeniyay inuu isku dhiibay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin isagoo ka jawaabayay hadal kasoo baxay Afhayeenka dhanka howlgallada ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

7/22/2010 11:38 AM EST
Arbaco, July 21, 2010 (HOL) − Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa maanta uga qaybgalay Magaalada Muqdisho oo xaflad loogu soo xirayay tababar 800-askari oo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya.

7/22/2010 8:10 AM EST
Khamiis,July 22,2010 (HOL) -Ciidamada amaanka Bosaaso ayaa maalintii Afaraad wada qorshe lagu musaafurinayo dhalinyarada ka soo jeeda koonfurta ee ku sugan degmada ,kuwaasi oo lala xiriirinayo danbiyadii Gobolka ka dhacay Bilihii la soo dhaafay.

7/22/2010 8:07 AM EST
Khamiis, 22 July 2010 (HOL)- Dawladda Itoobiya ayaa sii deysay xubno ka tirsan Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jira Dawladda dalkaas.

7/22/2010 8:05 AM EST
Khamiis, 22 July 2010 (HOL)- Maxkamad ku taala dalka Maraykanka ayaa Nin ka soo jeeda Gobolka Virginia ee dalkaas ku xukuntay eedayn loo haystay oo ah in uu dhaqaale ku taageero Xarakatul Shabaabul-Mujaahidiin, isla markaana laba jeer isku dayay in uu u socdaalo dalka Soomaaliya, si uu ugu biiro Al-Shabaab.