4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 31, 2010
Xulka Banaadir oo ku guuleystay Cayaarihii Gobollada Soomaaliya ee Garowe ka socday

Jimco, 31 December, 2010 (HOL) – Xulka gobolka Banaadir ayaa galabta ku guulaystay tartanka koobka gobollada Soomaaliya ee ka soconayay magaalada Garowe ee caasimada Puntland,ka dib ciyaar aad u adag oo ay wada qaateen xulka gobolka Bari oo ay final wada yimaadeen.

Ciyaartii galabta waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin aad u badan oo ka tirsan dhinacyada Puntland iyo DKMG ah ee Soomaaliya ,waxaana ay ahayd mid labada kooxoodba ay ugu tartamayeen qaadashada koobka.

Madaxdii ka soo qayb gayb gashay waxaa ka mid ahaa madaxwaynaha Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole iyo gudoomiyaaasha gobollada Banaadir iyo Bari.


Waxaa kaloo joogay dhamaan gudiga xiriirka ciyaaraha gobollada Soomaaliya iyo ciyaaryahno taariikh ku leh baalka Sports-ka Somaliya oo uu ka mid ahaa orod-yahankii caanka ahaa ee Cabdi Bile Cabdi.

Gobolka Banaadir goolka ay ku qaadeen koobka waxaa u saxiixay mid ka mid ah ciyaaryahanada uga ciyaara afka hore ,umana suurtagalin xulka gobolka Bari in ay la yimaadaan goolka bar-bar dhaca oo rajadooda wax ka badali lahayd.

Madaxwaynaha Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu u hambalyaynayo dhamaan ciyaar-yahanadii ka qayb galay koobka intii uu socday ,isagoo amaan ballaaran u jeediyay guusha ay Banaadir gaartay.

Tababaraha xulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu aad uga faraxsanyahay guusha ay gaareen ,isla markaana waxa uu ku tilmaamay mid ay waqti badan kaga baxday sida ay koobka uu qaadi lahaayeen.

Ciyaartii galabta ayaa ku soo dhamaatay hal iyo waxba 1-0 oo ay guushu ku raacday xulka gobolka Banaadir ,kaalinta labaad waxaa ku jirta Bari ,halka kaalinta sedexaad ay galeen xulka gobolka Nugaal.


Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Soomaaliya