4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 31, 2010
Saraakiil ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca oo sheegay in saraakiil Ethiopian ah ay ku amreen inay hubka dhigaan

Jimco, 31 December, 2010 (HOL) – Saraakiil ka tirsan maamulka Ahlusunna ee ku sugan deegaanka Doolow ee gobolka Gedo, oo ku taalla xadka ay wadaagaan Soomaailya iyo Itoobiya, ayaa sheegay in saraakiil Itoobiyaan ah ay ku armeen inay hubka dhigaan.

"Amarkan, wuxuu yimid markii ay dowladda Itoobiya ogaatay in mas'uuliyiinta Ahlusunna ee koonfurta Soomaaliya, sida Sheekh Xasan Cabdi Qoryeeley iyo Sheekh C/llaahi Lugey ay kula kulmeen Nairobi xubno ka tirsan beesha calaamka, kuwaasoo dhaqaale iyo hub ku taageeray," ayuu yiri sarkaal u hadlay kooxda Ahlusunna ee koonfurta Soomaaliya.

Sarkaalkan, oo aan magaciisa sheegin sababo ammaan awgood, ayaa xusay in dowladda Itoobiya ay hub ka dhigi ku sameysay ciidammo taabacsan DKMG ah oo tiradoodu ahayd 360-askari, oo ku sugnaa deegaanka Doolow, isagoo sheegay in iyaga ay diideen inay hubka dhigaan.

"Waxaan, noo yimid saddex sarkaal oo dhinacyada siyaasadda, tababarka iyo ciidanka u qaabilsan dowladda Itoobiya, waxayna nagu amreen inaan hubka iyo gaadiidka dagaalka wareejino, balse taas waan diidnay, waxaana isku diyaarinnay dagaal" ayuu yiri sarkaalka magaciisa qariyay.

Sidoo kale, sarkaalkan wuxuu sheegay inay ciidammada Itoobiya u arkeen inay la jiraan Xarrakatul Shabaab, isagoo xusay inay caradooda ay timid markii ay dhawaan la wareegeen degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, taasoo ay dib uga baxeen.

Illaa hadda, ma jiraan wax warar ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan deegaanka Doolow, taasoo ku saabsan hadalka ku saabsan in ciidammada Itoobiya ay hub ka dhigis ku sameeyeen ciidanka taabacsan dowladda Soomaaliya.

Culummaa'udiinka Ahlusunna Waljamaaca, ayaa waxay dagaal kula jiraan Xarrakatul Shabaab, iyadoo dagaallo badan ay ku dhexmareen gobollada dhexe gaar ahaan gobolka Galguduud iyo deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya