3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 31, 2010
Burcadbadeed Soomaaliyeed oo afduub ku qabsaday dooni laga leeyahay dalka Taiwan iyo shaqaalihiisii

Jimco, 31 December, 2010 (HOL) – Burcadbadeed Soomaali ah, ayaa la rumeysan yahay inay ka afduubay meel ku dhow jasiiradda Madagaskar ee qaaradda Afrika dooni kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Taiwan, sida ay baahiyeen saraakiisha ciidammada la dagaalanka burcadbadeedda ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.

"Doonida la malayno in la afduubay oo lagu magacaabo FV Shiuh Fu No 1, ayaa waxa xiriirkeeda la waayay 25-kii bishan, waxaana si dhab ah loo rumeysan yahay in la afduubay," ayaa lagu yiri warbixin ay soo saareen ciidammada Midowga Yurub.

Shaqaalaha saaran doonidan afduubka lagu qabsaday ayaa tiradooda lagu sheegay 26-qof, oo u kala dhashay dalalka Shiinaha, Vietnam iyo Taiwan, iyadoo aan wax war ah laga hayn xaaaladooda.

Dhanka kale, markab laga leeyahay dalka Ruushka oo nooca shidaalka qaada ah laguna magacaabo NS Africa, ayaa si dirqi ah uga baxday weerar ay burcadbadeed Soomaaliyeed ku qaadeen, sida ay maanta oo Jimco ah qortay shabakad lagu daabaco wararka ku saabsan shilalka badda oo laga leeyahay dalka Ruushka.

Sidoo kale, markab laga leeyahay dalka Hindiya oo lagu magacaabo Majestic, ayaa isna ka badbaaday afduub ay koox burcadbadeed ah la damceen, kaddib markii uu iska caabiyay weerarka kooxaha burcadbadeedda ah.

Weerarradan maraakiibtan ayaa 24-kii bishan, ka dhacay xeebaha dalka Musambiik, iyadoo la sheegay in labada markab ay bad-qabaan ayna sii wateen safarradooda, inkastoo aan la sheegin halka ay ka yimaadeen, halka ay u socdeen shaqaalaha saarnaa.

Burcadbadeedda Soomaaliyeed, ayaa waxay malaayiin Dollar ka helaan afduubka maraakiibta, iyagoo afduub ahaan u haysta in ka badan 20-markab iyo shaqaalihii la socday sida laga soo xirtay hay'adda badaha caalamka ee IMB.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
12/31/2010 8:51 AM EST
Jimco, 31 December, 2010 (HOL) – Xulka gobolka Banaadir ayaa galabta ku guulaystay tartanka koobka gobollada Soomaaliya ee ka soconayay magaalada Garowe ee caasimada Puntland,ka dib ciyaar aad u adag oo ay wada qaateen xulka gobolka Bari oo ay final wada yimaadeen.

12/31/2010 2:36 AM EST
Jimco, 31 December, 2010 (HOL) – Amiirka Xarrakatul Shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay midowga Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam, isagoo ku timaamay tallaabo horay loo qaaday oo lagu xoojinayo awoodda Mujaahidiinta.