Maamulka gobolka Hiiraan ee Xarrakada Shabaab oo soo gaba-gabeeyay dhismaha buundada degmada Buula-burte

Talaado, 21, September, 2010 (HOL) Guddoomiyaha Maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee goballka Hiiraan Shiikh Yuusuf Cali Ugaas oo la hadllayay warbaahinta ayaa sheegay in ay soo gaba gabeeyeen dhismaha Buundada degmada Buula-burte oo subixii Ciida qeyb ka mid ah bur bur ku yimid.

'''Waxaa Ilaah mahadii noo suurta gashay aniga oo kaashaneyna Bulshada degmada Buula-burte in aynu soo gaba gabeeynu dhismaha bur burkii ku yimid qeyb ka mid ah Buundada degmada Buula-burte.'' Shiikh Yuusuf Cali Ugaas oo intaa ku darray wixii hadda ka danbeeya 6-dii biloodba mar kormeer joogta ah lagu heyn doono Buundada si dayactir loogu sameeyo.

Waxaa uu sheegay Shiikh Yuusuf Cali Ugaas marka laga soo tago gacanta mugga leh ee uu maamulkoodu ka qaatay dhismaha Buundada in sidoo kale uu u mahad celinayo Odayaasha, Ganacsatada, iyo Waxgaradka degmada Buula-burte oo tan iyo markii ay bur burtay Buundada ku howlanaa sidii loo dhisi lahaa, kulamo is daba joog ahna la qaatay maamulka goballka ee Xarrakada Al-shabaab ayuu sheegay Shiikh Yuusuf.

Ugu danbeytii Shiikh Yuusuf Cali Ugaas waxaa uu kula dar daarmay bulshada ku dhaqan goballka Hiiraan in ay la socdaan islamarkaana ilaashadaan gaabayaasha muhiim-ka u ah nolashooda sida Buundooyinka iyo waliba Jidadka, maadaama aysan jirin cid kale oo u maqan oo ay sugayaan, waxaana uu dhinaca kale sheegay in mar walba maamulku diyaar u yahay ka gacan siinta bulshada qorshayaasha hormarinta ku saleysan.

Dhawaan ayeey aheyd markii maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab uu soo dhameystiray Dayactir lagu sameeyay Isbitaalka degmada Jalalaqsi oo in muddo ah u xirnaa dayac uga yimid dib u habeyn la'aan la soo daristay, waxaana sidoo kale xusid mudan in goobaha maamulku dayactirka ku sameeyay yihiin kuwo ugu muhiimsan marka la eego baahiyaha caafimaad ee xiliga heystay bulshada ku dhaqan degmada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya