Sabti, October 09, 2010 (HOL) − Taliska Ciidanka boliiska degmada Galkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay kooxo dablay ah oo xalay dil u gaystay askari ka tirsanaa ciidamada dowlada hoose ee degmada.
Saddex qof oo mid ka mid ah ay tahay qof dumar ah ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka loo geystay askarigaasi,waxaana soo qabtay ciidamo madani oo ah oo ka howlgala xaafada uu dilka ka dhacay.
"Waxaan ku dhiirigalinayaa laamaha ciidamada ee dowlada in ay ka hortagaan wax kasta oo dhib ku keeni kar amniga degmada Galkacyo " ayuu yiri taliyaha qaybta boliska Galkacyo oo warbaahinta la hadlay.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in la balaarin doono howlgalada lagu sugayo amniga degmada ,xilliga habeenkii ah si looga hortago falalka amni xumada ah ee magaalada ku soo kordhaya.
Dhinaca kale ciidanka boliska Garowe ayaa wada baaritaano la xiriira ruux maydkiisa laga helay duleedka caasimada oo aan la aqoon cidda dilkiisa fulisay.
Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa sheegay in lagu raad joogo cidii dilka gaysatgay ,isla markaana hada ay socdaan baaritaano arintaa la xiriira.
Ugu danbaynti howlgladan amni sugid ah ayaa sidoo kale waxa ay ka socdaan magaalada Bosaso ,waxaana maanta maamulka gobolka bari uu sheegay in albaabada la isugu laabi doono suuqa wayn ee magaalada si looga hortago falalka amni daro ee degmada ka jira.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya