Arbaco, 27 October, 2010 (HOL) - Dowladda Soomaaliya iyo Xarrakatul Shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaal ku dhexmaray Talaadadii shalay duleedka degmada Rabdhuurre ee gobolka Bakool, iyadoo ciidammada labada dhinac ay isku horfadhiyaan agagaarka degmadaas.
Afhayeen u hadlay ciidankii DKMG ah ee dagaalka la galay kuwa Xarrakatul Shabaab oo lagu magacaabo Maxamed Macallin Aadan oo saxaafadda Muqdisho la hadlay ayaa sheegay inay dagaalkaas kaga dileen dhinacii ka horjeeday 25-ruux, ayna kaga dhaawaceen 40-qof oo kale.
"Dhankeenna, waxaa nooga dhintay dagaalka saddex askari, lix kalena way nooga dhaawacmeen," ayuu Maxamed Macallin hadalkiisa raaciyay, isagoo daboolka ka qaaday in ciidamadoodu ay ku sugan yihiin hareeraha degmada Rabdhuurre, kuwa Xarrakatul Shabaabna ay ku jiraan gudaha degmadaas.
Laakiinse, afhayeenka ciidammada ee Xarrakatul Shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo isaguna saxaafadda kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in dagaalkaas ay guulo waaweyn ka gaareen, ayna ku dileen tiro badan oo ka mid ah ciidankii ay la dagaalameen oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan.
"Waxaan dagaalka ka gaarnay guulo, waana cayrinnay ciidamadii weerarka nagu soo qaaday, waxayna xoogaggeennu ku sugan yihiin duleedka degmada Yeed," ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab, oo sheegay inay dagaalka ku furteen hub badan.
Ilo wareedyo, ka madax-bannaan labada dhinac, oo ku sugan deegaannada lagu dagaalamay ayaa u sheegay HOL in tiro ka badan 20-qof oo u badan dhinacyadii ay dagaalladu u dhexeeyeen ay ku dhinteen dagaalkii shalay, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.
Xiisad kacsanaan ah, ayaa laga dareemayaan degmada Rabdhuurre, iyadoo laga baqdin qabo inay dagaallo kale dhacaan, waxaana saraakiisha dowladda ee hoggaanka u haya dagaalka ay sheegeen inay qabsanayaan gobollada Bay iyo Bakool.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya