Sabti, 06 November, 2010 (HOL) − Dowladda Soomaaliya, ayaa Somaliland iyo Punland ku amaantay sida ay diyaarka ugu yihiin adkeynta amaanka ka jira deegaannadooda, iyadoo lagu sheegay warkan in ciidanka amaanka maamulladan ay dagaal kula jiraan kooxo argagaxiso ah oo ku sugan buuraleyda gobolka Sanaag ee u dhexeysa labada maamul-goboleed.
Warsaxaafadeed, kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in laga soo billaabo bartamihii bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay, ay howlgallo ka billowdeen Puntland, kuwaasoo lagu cirib-tirayo koox uu hoggaamiyo Sheekh Saciid Atam oo ay sheegtay dowladdu inuu xiriir la leeyahay Xarrakatul Shabaab.
"Dhowr maalin oo dagaal ah kaddib, ciidanka Puntland waxay ku guuleysteen inay cagta mariyaan saldhigii Sheekh Atam. ay ku qabsadeen dhowr gaadiid dagaal ah, hub iyo qalabka laga sameeyo bambooyinka," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sheekh Maxamed Saciid Atam, ayay dowladda Soomaaliya ku eedeysay inuu ku lug lahaa iibinta hubka, afduubka, iyo bambooyinka aan loo meel-dayayn, wuxuuna khatar ku ahaa nabadgelyada iyo badbaadada shacabka waqooyiga Soomaliya.
"Howl-galkii ay dolwadda Puntland, uga hortagay Sheekh Atam, wuxuu ahaa mid lagu guuleystay, maadaama uu fashiliyay falal argagixiso oo ka socday deegaanka Gal-gala. Nabadgelyo ka dhalata deegaannadaas waxay albaabada u furi doontaa horumar mustaqbalka ah," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo uu ku saxiixnaa Wasiirka KMG ah ee warfaafinta C/raxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yariiwo).
Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in hoggaamiyeyaasha Somaliland iyo Puntland ay fahamsan yihiin in khatarta nabadgelyo ee kooxaha xagjirka ah ay caqabad ku yihiin horumarka deegaannadooda iyo ammaanka ka jira.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Inj. Yarisow ayaa yiri: "Xukuumadda Soomaaliya waxay garab-taagan tahay walaalaheed (Somaliland iyo Puntland) sida ay isaga caabbinayaan kooxaha xagjirka ah. Dadka Waqooyiga Soomaaliya muddo dheer ayay kasoo shaqeeyeen sidii ay ammaan ugu noolaan lahaayeen si noloshooda iyo nolosha jiilasha mustaqbalka. Waan ku taageereynaa dadaalladooda wax-ku-oolka ah ee ay ku dhisanayaan nabadda iyo xasilloonida gobolladaas."
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya