Sidee looga ciiday magaalada Hargeysa? (SAWIRRO)


Talaado, 16 November, 2010 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaan maanta shacabweynaha kula tukan Masjid-Jaamaca wayn ee Hargeysa oo caadiyan sanad walba ay Madaxweynayaasha Somaliland ee isaga ka horreeyay kula tukan jireen dadka xuska Ciidaha Fidriga iyo Udxada, beddelkiisana waxa dadka la tukaday Madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Shacabweynaha ku dhaqan Somaliland ayaa maanta u dabbaal-degay xuska Ciidal-Udxada, hase ahaatee, Madaxweyne Siilaanyo ayaan sidii ay shacabku filayeen, isla markaana ay sanad walba samayn jireen Madaxweynayaashii ka horreeyay, aan kala qayb-galin tukashadii Salaadda Ciidda dadweynaha ku dhaqan Hargeysa, gaar ahaan Masjid-Jaamaca wayn ee magaalada oo ay dadku ka sugayeen, waxaana beddelkiisa dadka Masjidkaas kula tukaday madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan-Saylici. Waxaana la sheegay in Madaxweynuhu shacabka kula tukaday masaajid kale oo ku yaala isla magaalada Hargeysa.


Markii Salaadda Ciidda la tukaday, ka dib, ayaa madaxweyne-xigeenku hadal kooban oo nuxurkiisu ahaa duco iyo dardaaran. "Shacabka reer Somaliland wuxuu halkaa ku soo gaadhay isku-duubni iyo wada-jir ay meel uga wada jeedaan nabadda..aad iyo aad ayaanu idiinku ducaynaynaa, anaguna madaxdayadan cusub waxaanu idiinka baahanahay duco, sababtoo ah, madaxdu hadday xumaato dalku ma hagaagayo, shacabkuna noo hagaagi maayaan," ayuu yidhi Madaxweyne-xigeenku.

Dhinaca kale, shacabweynaha ku dhaqan magaalooyinka kale ee Somaliland, ayaa iyana maanta isugu soo baxay goobaha cibaadada iyo barxadaha waawayn ee magaalooyinka, isla markaana ku oogay tukashada Salaadda Ciidda. Waxaana tukashada salaadda kala qayb galay masuuliyiinta dawladda ee heer degmo iyo heer gobol.










Barkhad M. Kaariye    Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.