Khamiis, Mar, 04, 2010 (HOL) Mudo ku dhaw 20-sano kadib ayaa markii ugu horeysay waxaa uu Wasiir Soomaaliyeed shir gudoomiye ka noqday kulan ay leeyihiin Wasiirro Arrimo dibadeedka Wadamada Carabta kaa oo dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Munaasabad xil wareejin ah oo la qabtay ka hor inta uusan si rasmi ah shirku u furmin ayaa waxaa xilkii laga wareejiyay Wasiirrka arrimaha dibada dalka Siiriya Ninka lagu magacaabo Waliid Al-mucalim, oo xilka Shir gudoomiyaha kulanka Wasiirro arrimo dibadeedka Wadamada Carabta ku wareejiyay Wasiirrka Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.
C/raxmaan C/shakuur oo furitaanka shirka hadal ka jeediyay ayaa si qota dheer uga hadlay dhibaatada ka taagan wadamada Carabta, gaar ahaan Dalalka Falastiin, Ciraaq, Yaman Suudaan, iyo dalka Soomaaliya oo sida uu sheegay loo baahan yahay in wax laga qabto dhibaatooyinka ka taagan.
Shirka oo ahaa kii 133-aad oo ay yeeshaan Wasirro arrimo dibadeedka wadamada Carabta islamarkaana ay goob joog ka ahaayeen 19-dal ayaa waxaa siweyn loogu soo dhaweeyay shir gudoomiyaha ka socda dalka Soomaaliya oo ka mid ah wadamada ay la dageen dagaallada sokeeye waxaana xusid mudan in Wasiirrku uu sii heyn doono xilka lagu wareejiyay muddo ku dhan 6-bilood.
Dowladda uu hogaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayeey talaabadni u noqoneysa guul laga gaaray dhinaca Siyaasada arrimaha dibada, maadaama Dowladdihii ka horeeyay aysan fursad u helin in ay hogaamiyaan shirarka Caalamiga ah marka laga reebo kaliya in ay goob joog ka ahaan jireen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Soomaaliya oo 20-sano kadib shir gudoomineysa kulanka Wasiirro Arrimo dibadeedka Wadamada Carabta.
More News
- Maamulkii hore ee Jubooyinka oo la badalay iyo Maamul Cusub oo la magacaabay
- AXMED-SIILAANYO: “Lammaanaha Ingiriiska ah ee lagu haysto Mandaqadda aynu ku nool nahay waxa ka soo gaadhaya ceeb”
- MADAXWEYNE SHEEKH SHARIIF: "Kooxaha Dowladda kasoo horjeeda waa inay soo fariistaan miiska wada hadallada si ay dowladda ugu biiraan"
- Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Somalia oo sheegay in xukuumaddiisa ay dalalka Carabta ka doonayso gargaar
- Burcadbadeeddii qabsaday Markabkii laga lahaa Sucuudiga oo sii dayntiisa ku xiray lacag madaxfurasho ah oo gaaraysa 20-Milyan oo Dollar
- Mas'uul ka tirsan saraakiisha Ururka Xisbul Islaam oo sheegay in Sheekh Axmed Madoobe uu u adeego shisheeye ururkoodana uusan ka tirsanayn
- Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu sii daynayo Lamaanayaasha u dhashay Britain
- Duqii Degmada Caluula oo Is Casilay
- Xukuumadda Somaliland oo masaafurisay Dad Ajaanib ah oo muddo shan bilood ah ku xidhnaa Berbera
- Roobab khasaare geystay oo ka da’ay Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo baaq u jeediyay Xukuumadda
- Dhibaato gaadiidleyda iyo dadka ku safra ku qabaan waddada isku xirta Magaalada Beledweyne iyo Degmada Jowhar ee Goballka Shabeellada Dhexe
- Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne oo howlgalo ka sameeyay deegaanno horay ugu sugnaayeen Xoogagga Ahlu Sunna
- Xarakada Alshabaab Iyo beel kamid ah beelaha dega gobolka J/hoose oo Heshiis gaaray