Jabhaddda ONLF oo 5 qof oo Somaliland ka soo jeeda ku leysay deegaan ka tirsan Killilka shanaad ee Itoobiya

Sabti, 27 March 2010 (HOL)- Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jirta dawladda Itoobiya, ayaa la sheegay inay dad shacab ah oo reer Somaliland ah ku laayeen degaanka Rabaso oo ka tirsan degmada Awaare ee gobolka Dhagaxbuur ee kilalka Shanaad.

Sida uu xaqiijiyay Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, Jabhaddu waxay shalay degaan lagu magacaabo Ciryare oo ka tirsan degaanka Rabaso ku dileen shan wiil oo dhalinyaro ah. “Waxay dileen shan nin oo weliba dhalinyaro yaryar ah oo Geeljire ah,” ayuu yidhi Caaqil Rashiid. “Waxay ku dileen meel lagu magacaabo Ciryare oo dhinaca Hawd ka xigta Rabaso, waxaana galabta (gelinkii dambe ee shalay) nimankaa lagu aasay magaalada Rabaso,” ayuu raaciyay. “Xilliga ay ONLF laysay, wiilashu waxay la joogeen Geel, intooda badana da’doodu labaatan jir way ka yar tahay, inta ay qabqabteen baanay laayeen,” ayuu yidhi.

Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir waxa uu sheegay in weerar noocaas ah ay muddooyinkii u dambeeyay Jabhadda ONLF ku haysay mid ka mid ah Beelaha Somaliland ee halkaa dega, isla markaana ay marar hore weeraro ay soo qaaday ku laysay dad shicib ah oo Xoolo-dhaqato ah. “Weerarkan ONLF kii koowaad maaha oo waa kii shanaad ama lixaad, kan kii ka horeeyayna wuxuu ka dhacay dhinaca Galbeed ee Abokor ku beegan, dhinaca Bari ee Darroor ku beegana wuu ka dhacay, degaanka dhexe ee Rabaso ku beegana waa markii afraad. Markaa waa weerar joogto ah oo ay ku wadaan jiidaha ku beegan saddexdaa kaam ee waawayn ee Abokor, Rabaso iyo Darroor,” ayuu yidhi Caaqil Rashiid Jaambiir.

Mar la waydiiyay ujeedada ka dambaysa weerarka jabhadda ONLF ku hayso dadka degaankaas, waxa uu sheegay inay salka ku hayso qorshe ay jabhaddu ku doonayso sidii ay dadka shacabka ah ugu khasbi lahaayeen inay dagaalka ay wadaan gacan ku siiyaan. “Jabhaddu waxay dadka degaanka kula kacaan dhac iyo dil, imikana weeraro joogto ah bay ku hayaan dadka Xoolo-dhaqatada ah ee ku dhaqan jiidahaas,” ayuu yidhi Caaqilku.
 
Dhinaca kale, mar aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno dhinaca ONLF, si aanu arrintan wax uga waydiino, nooma aysan suurtogelin in aanu helno.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland






Sabti, Mar 27, 2010 (HOL) - Ugu yaraan 3-qof oo ay ku jirto haweeney rayid ah ayaa ku dhintay dagaal maanta ka dhacay xarada Afasiyooni, halkaasoo dadka daggan lagu amray inay isaga guuraan, si loo sugo ammaanka garoonka Muqdisho.

Sabti, Mar 27, 2010 (HOL) - Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay inay iyadu mas'uul ka tahay qaraxyo geystay dhimashada iyo dhaawaca xubno sarsare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Sabti, March 27, 2010(HOL): Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa rag hubeysan ay weeraro ku qaadeen dukaamo soomaali ku lahaayeen tuulada Mfuleni oo 12km u jirta magaalada Cape Town iyo xaafado kale oo halkaasi ka dhawaa waxaana weeraradaasi ku dhintay muwaadin soomaaliyeed, waxana dhaawac kasoo gaaray 8 ruux oo Somali ah iyo mid Ethopian ah.

Sabti, 27 March 2010 (HOL)- Maamulka Gobolka iyo kan degmada Bosaaso oo maanta shir wadajir ah ku qabtay guriga gobolka ayaa ku baaqay in la caawiyo dad ku waxyeeloobay dab shalay ka kacay Xaafada Boqolka Buush ee Magaalada Bosaaso.

Sabti, Mar 27, 2010 (HOL) - Guddoomiyihii degmada Xamarjajab ee Gobolka Banaadir Axmed Sheekh Maxamuud (Qoorleex) ayaa ku dhintay Qarax saakay lagu eegtay degmadaas, iyadoo ay dhaawacyo kasoo gaareen ku xigeenkiisii dhinaca ammaanka iyo darawalkiisii.

Sabti, Mar 27, 2010 (HOL) - Mas'uulkan ugu sarreeya Ahlusunna Waljamaaca ayaa ka sheegay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya inay ballaarin doonaan dagaalka ay kula jiraan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Sabti, Mar 27, 2010 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa waxay xukun dil ah ku ridday Xasan Maxamed Maxamuud oo Soomaali ah, kaddib markii ay ku eedeysay inuu geystay falal dambiyeedyo kala duwan.

Sabti, Mar, 27, 2010 (HOL) Wasaarrada Arrimaha gudaha ee dalka Yaman ayaa laga soo xigtay in Burcad badeed Soomaali ah Af-duubeen Doon Kaluumeysi oo laga lahaa dalka Yaman taa oo lagu magacaabo AZ-ZABANIYAH.

Sabti, Mar, 27, 2010 (HOL) Maamulka Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ee Goballada dhexe gaar ahaa Goballka Hiiraan ayaa waxaa ay si kulul u canbaareeyay falalka Qabuuro fagista ah ee Xarrakada Al-shabaab ka wadaan qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Sabti, Mar 27, 2010 (HOL) - Shir weynihii labaad ee ururka dhaqaatiirta Somaliyeed ee dalka paksitan (Somali Medical union Pakistan) ayaa lagu qabtay magalada Karachi ee dalka pakistan,shirkaasi oo ay si weyn u soo agaasimeen maamulka ururkan ee magalada Karachi,ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhamaan xubnaha ururka ee ku sugan magalooyinka Karachi iyo heydarabad halka gobolada ka fog-fog magalada Karachi ay ka yimadeen wakiilada goboladaasi u qaabilsan ururka.

Somali News

3/27/2010 10:51 AM EST
Maritime security is under a much bigger threat from the Somali pirates than earlier thought, a spokesman for the French chief of staff said on Friday.

3/27/2010 10:43 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - A government official and three other people were killed on Saturday by a roadside bomb triggered by remote control in the Somali capital, witnesses and police said.

3/27/2010 10:41 AM EST
APA-Mogadishu-(Somalia) A huge landmine blast in the government-controlled side of Mogadishu has killed Ahmed Sheikh Mahmoud Qoorleex, the Hamar Jajab district commissioner in the capital and wounded the region’s deputy governor, government officials confirmed here Saturday.

3/27/2010 7:42 AM EST
MOGADISHU, March 27 (Xinhua) -- The Islamist radical group of Al Shabaab in Somalia on Saturday claimed responsibility after a senior Somali government official was killed by a roadside bomb explosion in the Somali capital Mogadishu.

3/27/2010 7:15 AM EST
TEHRAN, (Reuters) - Somali pirates have hijacked an Iranian ship carrying $4 million worth of Egyptian oranges off the coast of Yemen, Iranian media said on Saturday.

3/27/2010 7:13 AM EST
MOGADISHU, Somalia -- A Somali government official says three people have been killed and four injured in clashes Saturday between government soldiers and armed protesters opposing the demolition of their houses near Mogadishu's main airport.

3/27/2010 6:17 AM EST
HADRAMOUT, March 27 (Saba) - About 72 would-be refugees of Somalia, including 26 women and 9 children, have reached Yemen's coasts, security sources said on Saturday.
Click here