Axad, Mar, 21, 2010 (HOL) Degmada Caabud-waaq ee Goballka Galgaduud ayaa xalay waxaa ka dhaqan galay Bandow aan hora loo sii shaacin oo ay ku soo rogeen Maamulka Culiamda Ahlu Sunna Waljameeca ee gacanta ku haya degmada.
Sida uu HOL u sheegay Wariye jooga degmada Caabud-waaq Ciidamada Nabad-galyada xireen ka hor intaa aan Badowgga la soo rogin Nin ganacsade ah oo siweyn looga yaqiinay gudaha degmada Caabud-waaq, kaasoo sida la sheegay siweyn u taageersanaa hishiiskii dhawaan dhaxmaray Dowladda Soomaaliya iyo Culimada Ahlu Sunna Waljameeca.
Waxaa uu Wariyuhu intaa ku daray in sababta keentay Bandowgga loo maleynayo xarriga lagula kacay Ganacsadaha oo uu Maamulku ka cabsi qabay in ka dhashaan rabshdo amaanka wax u dhimi kara.
Taliyaha Ciidamada Degmada Caabud-waaq ee Goballka Galgaduud Shiikh Mahad ayaa warbaahinta u sheegay in Badowggu socon doono muddo sadax cisho ah ilaa ayuu yiri laga xaqiijanayo Nabad-galayda degmada.
arriamah ayaa waxaa ay ku soo beegamayaa kadib markii ay maalintii shalay halkaa gaareen Mas'uuliyiintii Culimada Ahlu Sunna Waljameeca uga qeyb-gashay kulankii Magaalada Addis Ababa ee hishiisku ku dhaxmaray Dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna Waljameeca
C/raxamaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Degmada Caabud-waaq ee Goballka Galgaduud oo xalay Bandow lagu soo rogay
More News
- Safaaradda Maraykanka ee dalka Kenya oo marti-qaad u fidisay saddexda Xisbi Siyaasadeed ee Somaliland
- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay baarayso ganacsiga kasoo daga Dekedda ayna la wareegayso gacan ku haynta Magaalada Muqdisho
- Baabuur ku rogmaday duleedka Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay oo sababay dhimasho iyo dhaawac
- Dhaawacyada ku jira Isbitaallada Madiina, Dayniile iyo Keysaney oo la gaarsiiyay kaalmooyin lacageed (DAAWO SAWIRRO)
- SHEEKH NUUR BAARUUD: "Dagaallada ka socda Soomaaliya ma ahan kuwo Jihaad ah ee waa kuwo dano gaar ah laga leeyahay"
- Maamulka Degmada Afgooye ee Ururka Xisbul Islaam oo gacanta ku soo dhigay mid ka mid h askartooda oo dil iyo dhaawac geystay
- Xukuumadda Mareykanka oo sheegtay inuusan jirin xiriir u dhexeeya Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo burcadbdeedda Soomaaliya
- Heshiis xabbadda lagu joojinayo oo la dhexdhigay Maleeshiyo beeleedyadii ku dagaallamay deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug
- Wasaarada Cusub ee Caafimaadka Puntland oo Ballanqaad u samaysay Bulshada ku nool Gobolka