SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS: "Dagaal lama galayno Xarrakatul Shabaab, waana taas sababtii aan uga soo baxnay Baladweyne"

Cabirka Farta
Sabti, June 19, 2010 (HOL) − Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in ururkooda uusan doonayn inuu dagaal la galo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayna taas tahay sababtii ay uga soo baxeen Baladweyne.

Hoggaamiyaha Ururka Xisbul Islaam ayaa sheegay in maamulkoodii uu isaga soo baxay Magaalada Baladweyne si loo ilaaliyo in dhiigga Mujaahidiinta iyo kan shacabku ay daataan, wuxuuna xusay inay la hadli doonaan walaalahood.

"Ma doonayno inaan dagaal la galno Xarrakatul Shabaab, waana sababta aan u qaadanay inaan kasoo baxno Baladweyne" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo sheegay in la midoobo ay u baahan tahay wadahadal labada dhinac dhexmara.

Isagoo ka hadlaya go'aankooda ku aadan ciidamada iyo saraakiisha Xisbul Islaam ka tirsan ee ku biiray Xarrakatul Shabaab ayuu sheegay inay tahay faragelin lagu hayo ururkooda, balse ay kala hadlayaan Xarrakatul Shabaab.

"Waa dhacdaa in laba kooxood haddii ay dagaal kuwada jiraan ay koox wax jeclaysato, balse innagu waxaan diyaar u nahay inaan iskaashi la sameyso walaalaha mana doonayno inuu dagaal dhexdeena ka dhaco" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir.

Sidoo klae wuxuu sheegay inay u garabsan doonaan dagaallada ay kula jiraan Dowladda, AMISOM iyo Ahlusunna oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo dhibaato kawada dalka, ayna wax heshiis la galayn waligood.
Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ee Xisbul Islaam qaarkood ayaa sheegay inay la midoobeen Xarrakatul Shabaab, iyadoo shalay oo Jimco ah ay saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Xibul Islaam oo ku sugnaa Gobolka Shabeellada hoose ay sheegeen inay ku biireen Xarrakatul Shabaab.

"Waxaan ka mid ahay dadka dadaalka ugu jira inay midoobaan kooxaha Islaamiyiinta ah, balse waxa socda waxay dhaawac weyn ku yihiin in la midoobo waana ka digaynaa" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Ururka Xisbul Islaam oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu u muuqdaa inay ku biirayaan Xarrakatul Shabaab, iyadoo guddoomiye ku xigeenkii Ururkan Sheekh Xasan Turkey uu horay ugu biiray Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya