Tartankii ciyaaraha dhalinta cuslaatay ee Kubadda cagta oo lagu soo gaba gabeeyey magaaladda Helsinki ee Dalka Finland (DAAWO SAWIRRO)


Isniin, January 11, 2010(HOL): Tartanka  kubadda cagta ah ee dhalinyaradda cuslaatay ayaa wuxuu baryahanba uu ka socdey magaaladda Helsinki ee caasimadda wadanka Finland,tartankaan ayaa waxaa uu ahaa kii afaraad ee la qabto.

 

Tartamadda noocan oo kale ah ayaa aad ugu yar inay dadka Soomaalidda ah qabtaan,lakiin ururka dhaqanka iyo isboortiga Finland ayaa waxaa ay u suuro gashay in ku guulaystaan sanadkii afaraad qabashadiisa.Tartankaasi ayaa waxaa ku tartamayey 5 kooxood oo kala ahaa:Southhall oo iyga London ka socdey, Sweden, Finland 1, Wembley oo London ah iyo Finland 2.

 

Ciyaartii kama danbeysta aheyd ayaa waxaa isku haleelay kooxaha Wembley iyo Southhall oo labaduba ka socdey wadanka Ingiriiska,labadan kooxood ee cayaarta faynalka ah isugu soo haray ayaan waxaa ay ka mid ahaayeen kooxihii ugu wanaagsanaa muddadii uu tartankaas socdey,in kasta oo labaduba soo bandhigeen ciyaar wanaag iyo asluub,haddana horaa loo yiri gari laba nin kama qosliso oo waxaa ay halkaas guushii ku raacdey kooxddii Wembley 3 gool dhalisey,halka ay iyana Southhall la yimaadeen 2 gool,sidaas ayaa waxaa horyaalkii 2010 ee dhalinyaradda cuslaatay ku guulaystay kooxddii kasocotey Wembley.

 

Tartankan ayaa waxaa intii uu socdey garsoore ka ahaa garsoore soomaaliyeed oo caan ah kana mid ah garsoorayaasha xiriirka kubadda cagta iyo kan aduunkaba ee FIFA,garsoorahan ayaa waxaa magaciisa ay dadka intaba badan ugu yaqaanaan layiraah Garsoore Axmed Key,waxaan orankaraa waxaa uu garsooruhu soo bandhigay aqoontiisa heerka ay gaarsiisantahay oo waxaa dadkii kasoo qayb galay ugu wada hambalyeeyeen sida sharafta leh ee uu u dhaxdhexaadiyey muddadii ay ciyaarahaas socdeen.

Ciyaartii faynalka ahayd ka dib ayaa waxaa layskugu yimid hoolkii ay ka dhacaysey munaasabaddii xiritaanka cayaaraha iyoweliba casho loo sameeyey martiddii halkaas kasoo qayb gashay.

 


Munaasabaddii xiritaanka waxaa halkaasi kahadlay dad kala duwan oo matalayeyqaybaha kaladuwan ee isbooriga,haddii ay ahaan lahaayeen maamuladda kooxaha, gudigga olymbikada somaaliyeedmasuuliyiin ka socotay, ururadda, odayaasha iyo xubno hore oo ka mid ahaa maamuladdii xiriiradda wadanka.

Waxaa ugu horeeyn halkaas ka hadlay Abdiwahab Hassan oo ka socdey wadanka Denmark warbixin buuxdana kabixiyey sida ay u shaqeeyaan guud ahaan isbooriga wadankaas, ka dib waxaa hadalkii qaatay Husein Abti Abanur oo aad taqaanaan ahaana ninka keliya ee somaaliya xiligii ay nabadda ahayd ka soo ciyaaray sedexilaafar ciyaar oo kala duwan,sida kubadda cagta,kubadda koleyga,kubadda Laliska,kana gaaray dhamaantood heerka koowaad iyo weliba qaar iyaga kamid ah ilaa iyo heer qaran,Husein waxaa uu mahadbalaaran usoo jeediyey maamulkii ciyaaraha,waxaa uuna rajeeyey inay ciyaarahana intaas kasii balaartaan,ugudanbeyntiina kooxddii koobkaku guulaytsatayna oo ahayd kooxdiisii ugu hanbalyeeyey halkaas.

 

Waxaa isna halkaas ka hadlay Maxamed Shukri oo isgana ku hadlayeymagaca masuuliyiinta Olympikadda ayaa ka warbixiyey shirkii ugudanbeeyey ee olypikadda adduunka laguna qabtay wadanka Denmark.

 


Waxaa intaas ka dib hadlay Abdiaziz Godah oo Guddoomiyaha Ururka SuxufiyiintaIsboortiga Soomaaliyeed (SSPA)ahna xubin gudigga Fulinta Olypikadda Soomaaliyeed, ayaa isagu ugu horreyn u hambalyeeyay dhammaanba dadkii waqtigooda qaaliga ahaa u huray taabagalinta tartankani ,waxaana uu sheegay in dhallinta cuslaatay ee isboortiga ay hormuud u noqdaan dhallinta ku hawlan isboortiga noocyadiisa kala duwan ayna noqdaan dadkii lagu dayan lahaa (Role Models).Abdiaziz Godah ayaa ku guubaabiyay dhallinta cuslaatay in ay soo soo saaraan jiil Cusub oo meel wanaagsan gaarsiiya magaca Soomaaliyeed, Sidoo kalena ka qayb qaata hawlaha lagu badbaadinayo caruurta Soomaaliyeed ee ku koraya qurbaha iyada oo loo marayo dhinaca isboortiga.

Ugu dambeyntii Abdiaziz Godah waxaa uu u hambalyeeyay kooxda wembley oo iyadu ku guulaysatay tartanka iyo gabi ahaanba kooxihii tartanka ka soo qayb galay.

 

Omar Jamac (Cumar dhagaweyne) oo ahaan jiray xoghayihii ciyaaraha fududaa ayaa isna waxbadan ku nuux nuuxsadey dhinaca ciyaaraha fudud,sharax dheerna kabixiyey ciyaarahaas iyo guud ahaan jaaniska ay soomaali u leedahay in wax ka keeni karto.

 


Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay agaasimaha ururka SSUF Ahmed Hassan Cartan oo isgana kawarbixiyey muddii uu ururkan dhisnaa iyo waxyaabihii ay qabteen gaar ahaan dhinaca isboortiga waxaana uu halkaas kusoo bandhigay waxaqabadkooddii ugu danbeeyey iyo joornaal ay soosaareen,Ahmed ayaa isagu waxaa ay ka go'an tahay sidii uu u hormarin lahaa qaybaha kala duwan ee isboortiga una soo saarilahaa dhalinyaromustaqbalka waxu qabata wadankkooda hooyo. Ahmed ayaa sheegay in 3000 qof ay ka yihiin ururkan xubnoilaaiyo 150 curuur ahna ayka caawiyaan wax barashadda iyo guud ahaan wixii la xiriira,ardeydaasnan waxaa u shaqeeya ilaaiyo shan iyotoban macalin,Ahmed iyo Uruka SSUF waxaan kusoo qaadan doonaaqoraal gooni ah oo aan uga sheekeynayno ururkaas.

 

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada ee tartanka Ahmed Abdullahi Mahamud(Imad) ayaa isagu ka warbixiyay qaabkii uu tartanku ku billowday iyo sida uu ku soo dhammaaday, waxaana uu ammaan ballaaran u soo jeediyay dadkii ka shaqeeyay tartanka iyo kooxihii tartanka ka soo qaybgalay oo suurogaliyay in tartanku noqdo mid lagu najaxo.

 

Waxaaisgana halkaas ka hadlay Agaasimaha ururka qurbajoogta dhaqanka iyo isboortiga Maxamed Moalin, Maxamed waxaa uu kunuux nuuxsadey,qurbajoogta waxyaabihii ay qabteen kana soo sheekeeyey taariikhda guud ahaan,gabagabadiina waxaa uu dhalinta cuslaatay halkaas kula dardaarmay inay guud ahaan isboortiga ay kor u qaadaan.

 

Maxamed Ali Yaanyo oo isku ahaa mar xoghayihii guud ee kuabadda Laliska ayaa waxaa uu isna sheegay inaan isboortiga lacag laga helin ee uun magac iyo sumcad aad ku helayso,sidookale isboortiga waxaa uu ka fogyahay qabiilka iyo guud ahaanwaxyaabaha la halmaala.

 

Prof.Ahmed Heji ayaa isgana waxaa uu halkaas dhalinyaradda cuslaatay iyodhamaanba inta kasoo qayb gashay barnaamijkan uu usoo jeediyey,qudbad qiiro lahayd oo uu halkaas uga hadlay isboortiga, hadii ay ahaan lahayd dhinaca diinta waxa ay ka qabtoiyo haddii ay ahaan lahayd dhica kalaba,waxaa uu Prof. Ahmed ugu danbeeyntii u soo jeediyey dadkiikasoo qayb galay iyoguwiisoo qaban qaabiyeyba inay ku mahadsanyihiin sida sharafta leh ee uu kusoo gabagaboobaytartankaas.

 

Cumar Muuse oo ahaa ciyaaryahan naadigii minishibiyo kuna hadlayey kooxddii wembley magaceeddii ayaa mahadcelin soo jeediyey,Sidoo kale Xuseen Foowqa oo isna ahaan jiray ciyaartoodii badda ayaa isaga oo ku hadlayey magaca kooxdda Southhall waxaa uu sdookalemahadcelin usoo jeediyey kooxihii kasoo qayb galay tartankaas iyo sidii wanaagsanayd ee loomaamulay,waxaa isna halkaas ka hadlay Ciyaaryan Macow oo naadigii Madbacadda u ciyaari jiray isagoo ku hadlaya magaca kooxddii Sweden ayaa waxaa uu u mahadceliyey qabanqaabiyayaashhii ciyaarahan,ugu danbeeyntiina waxaa magacii labaddii kooxood ee finland ku hadlay Abdullahi Shukri waxaa uu isna halkaas mahadbalaaran uga soo jeediyey dadkii ciyaaraha soo qabaqaabiyey iyo kasoo qaybgalayaashooddii.

 

Ugu danbeeyntii waxaa koobab lagudoonsiiyey labaddii kooxood ee kala gashay koowaad iyolabaad.

Faatix ayaa loo aqoonsaday cayaaryahankii ugu Wanaagsanaa ee tartanka ,Faatix waa ciyaaryahankii nombarka 16 ee kooxddii southhall.

 

Waxaa iyaduna halkaasi lagu bixiyay abaalmarino iyo shaahaadooyin oo la guddoonsiiyay kooxihii tartanka ka soo qayb galay iyo dhammaanba intii gacanta ka gaysatay in tartankaasi lagu najaxo.

 

Barnaamijkan ayaa waxaa xiriiriye ka ahaa Yasiin Abdi Rage,waxaa sidookalegoobjoog ka ahaa jeyte Iyo Qooje oo iyagu ka mid ah maamulkii ciyaarahaas. Munaasabaddaasi ayaa ku soo dhammaatay si aad u qurux badan.






 
Abdiaziz Godah

[email protected]
Helsinki Finland