Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaliya oo ka qaybgalay shir looga hadlayo Internet-ka

Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Wasiirka Warfaafintaha, Boostaha iyo Isgaarsiinta iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qayb-galay shir ay qabatay hay'adda ICANN ee maamusha arrimaha Internet-ka kana dhacay magaaladda Cartagena, Colombia.

Shirkan oo ka dambeeyay kaddib markii xukuumadda Soomaaliyeed ku guulaysatay in ay gacanta ku dhigto furaha internet-ka ee dalka Soomaaliya. (SO), iyadoo uu sheegay wasiirku markuu ka tagayay Soomaaliya inay dowladdu ku shaqeyn doonto.

Kulamo kala duwan oo goobta ka dhacay, ayuu wasiirku la qaatay madaxa shirkadda ICANN Mr. Rod Beckstrom iyo weliba wufuud ka socday dala farabadan oo ay ka mid yihiin Koongo, Kenya, Malwi, Senegal, Maraykanka, Australia iyo Japan.

Dalal ay ka mid yihiin Congo, Rwanda iyo Brundi oo aysan weli suura gal u noqon in ay magacoodii Internetka ka soo ceshadaan, ICANN ayaa dadaal badan ugu jiray sidii u gaari lahaayeen mid la mid ah guusha u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed.

Waxaa la ogaysiinayaa dhammaan shirkadaha iyo shacabka Soomaaliyeed inay ka faa'iidaystaan magacan ay iyaku leeyihiin ee 'SO' oo ay diiwaan-gashadaan magaca shirkadohooda iyo kooda shakhsiga ahba. In ka badan 200 oo ah sihrkadaha aduunyada ugu waaweyn oo iyagu leh astaan u diiwaan gashan (Registered Trade Mark) ayaa soo codsaday in magacooda oo ay ka dambayso 'SO' u diiwaan-geliso dawladda Soomaaliyeed.

Waxaa halkaa ka maqan shirkadaha Soomaaliyeed intooda badan oo uu wasiirku ku dhiiri-gelinayo inay magacooda soo codsadaan inta ka horaysa 31-ka December 2010. Laga bilaabo January 1-deeda, 2011, waxaa la geli doonaa waqti loo tartamo magacyada la jecel-yahay ee soo hara oo magacii dhawr qof ama dhawr shirkadood soo codsadaan yabooh lagu iibin doono (auction).

Sidoo kale, laga bilaabo 1-da April, 2010. Waxaa aduunyada oo dhan loo furi doonaa diiwaan-gelinta magacooda oo ay ugu dambayso 'SO' shirkado badan oo ah kuwa wax diiwaan-geliya ee dadku la xiriiro ayaa hadda ku hawshan sidii ay u qaabili lahaayeen dadka xiisaynayaa la diiwaan gelinta magacooda 'SO' nasiib-darro ayuu wasiirku ku tilmaamay in ayan shirkadahan wax diiwaan gelinaya illaa hadda ku jirin kuwa ay leeyihiin dad Soomaaliyeed.

Wasiirku, wuxuu amray maamulka Soregistry inuu raadiyo dhiiri-geliyana sidii shirkada Soomaliyeed ay uga qayb qaadan lahaayeen suuq-geynta magacyada ku dhamaanya 'SO', sidoo kale wuxuu ku dhiiri-gelinayaa dhammaan shirkadaha Soomaaliyeed ee ka bixi kara hawshan ay la xiriiraan soregistry.so, halkaasoo ay ka heli doonaan kaalmada ay u baahanyihiin oo dhan.

Ugu dambeyn, wuxuu wasiirku sheegay in wadammo afrikaan ah oo dhawr sanno suuq-geeynayay magacyada ku dhammaada calaamadda Internet-ka ee dalkooda ayan dhaafin 6,000-magacyada laga diiwaan-geliyay, laakiin uu filayo in Soomaaliya ay tiradaas dhakhso u dhaafto marka Soomaalida dibadda iyo gudaha dalka joogta ay magacyadooda ku diiwaan-geliyaan astaanta dalkood.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya