Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo rasaas ku furay gaari ku socday degmada Afgooye

Jimco, August 13, 2010 (HOL) − Ugu yaraan laba qof oo haween ah ayaa ku dhintay laba kale oo rag ahna way ku dhaawacmeen, markii ciidamo ka tirsan DKMG ah ay maanta ku raasaaseeyeen gaari kusii jeeday degamada Afgooye inta u dhexeysa Ex-koontarool iyo Sar-kuusta.

"Saddex askari ayaa darawalkii gaariga ku amray inuu joojiyo, balse taas wuu ka dhego-adaygay, gaariga ayayna rasaas ku fureen, waxaa dhintay laba haween ah, laba rag ah oo uu ku jiro kirishboygiina way dhaawacmeen," ayuu yiri ruux gaariga saarnaa oo la hadlay saxaafadda.

Baabuurka rakaasta lagu furay ayaa ka tagay magaalada Muqdisho, wuxuuna kusii jeeday degmada Afgooye, iyadoo gaariga uu maydadkii iyo dhaawacyadii geeyay deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka Muqdisho.

Ciidamada gaariga rasaaseeyay ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo baarasho u geysanayay rakaabka la socday gaariga, waxayna halkaas ku baareen isla maanta gaari kale oo ka yimid deegaannada loo barakacay kuna socday Muqdisho.

Marka la gaaro xilliyada duhurkii iyo maqribkii ayay kooxo hubeysan waxay gaadidka ku baartaan inta u dhexeysa Sarkuusta iyo Ex-koontarool Afgooye oo isku jira in ka yar hal KM, mana jirto ay dowladu ka qabato kooxahaas dhaca geysanaya.

Haweenka dhintay ayaa fadhiyay kuraasta ugu dambeeya ee gaariga, halkaasoo ay ka fariistaan gaadiidka, halka ragguna ay fariistaan qayb hore, waxaana amarkan kusoo rogay Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdihso, Soomaaliya