Dadka ku dhaqan goballka Hiiraan oo maanta sooman maalintii 1-aad ee bisha Ramadaan.

Arbaco, 11, August, 2010 (HOL) - Kadib mashquul badan oo salka ku haya bal in ay bilatay bishii barkeysan ee Ramadaan oo ay xalay galeen dadka ku dhaqan Goballka Hiiraan ayaa waxaa mar kaliya arintaa soo afjaray maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo ku dhawaaqay in maanta ay tahay maalintii 1-aad ee Bisha Ramadaan loogana baahan yahay dadka ku dhaqan goballka in ay Soomaan.

Waaliga walaayada Xarrakadda Mujaahidiinta Al-shabaab Shiikh Yuusuf Cali Ugaas dadka warbaahinta kala hadllay ayaa sheegay in bilashada bisha Ramadaan laga arkay deegaanno ku kala yaala goballada Hiiraan, Shaballaha Hoose, iyo Banaadir, isaga oo intaa ku darray in sidaa daraadeed looga baahan yahay dadka Islaam-ka ah in gutaan waajibaadka bisha Ramadaan.

Maata marka aad eegto magaaalada waxaa kuu soo baxaya in dadku siweyn u qaatay iclaamka maamulka goballka oo ma arkeysid goobo cunno lagu iibiyo oo furan, waxaana bartamaha magaaalada wareegaya gadiid loogu talal galay in ay dusha sare kala socdaan falalka ka horimayana gudaha waajibaadka bisha Ramadaan.

Laakiin marka laga soo tago goballka Hiiraan waxaa xusid mudan in maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee ka arimiya inta badan goballka Galgaduud xalay mas'uuliyiintoodu ku dhawaaqeen in maanta aysan u aheyd Soon, maadaama aysan dhinacooda arag Bisha, waxaana sidaa u sheegay Warbaahinta Madaxa Garsoorka maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.

Sikastaba khilaafka mar kasta ka dhashay bilashada bisha Ramadaan iyo xitaa maalinta ugu danbeysa ee la furayo ayaan aheyn mid ku cusub dadka Soomaalida, iyada oo dhinaca kalana aysan meesha kamarneyn ismaandiidka qotada dheer ee u dhaxeeya kooxaha isku haya Siyaasada Soomaaliya ee hadda wada huwan magaca Diimeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya






Minneapolis, MN - Waxaa maanta oo bishu tahay 8/10/2010 dhamaan gobolka Minnesota si xoogleh uga dhacay doorashooyinkii is reeb reebka ahaa ee lagu kala dooranayay musharixiinta xisbi walba ooga qayb gali doona doorashooyinka dhacaya bisha Nofember, 2010.

Arbaco, August 11, 2010 (HOL) - Shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho agaasimaha hay'adda DBG (Daryeel Bulsho Guud) Cumar Colaad Axmed ayuu ku beeniyay inay xiriir la leeyihiin Hay'adda DIAKONIA oo ka mid ah saddex hay'adood oo ay Xarrakatul Shabaab ka mamnuucday inay ka shaqeyso deegaannada ay ka taliyaan.

Arbaco, August 11, 2010 (HOL) - Kulan ay maanta Muqdihso ku yeesheen Xildhibaannada ku mideysan kudladda toosinta iyo badbaadinta qaranka ayay shaaca ka qaadeen in la dhameeyay khilaaf u dhexeeyay iyaga iyo guddoonka sare ee baarlamaanka.

Arbaco, August 11, 2010 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaallada inta lagu jiro bisha Ramadaan, lana gargaaro dadka barakacayaasha ah.

Arbaco, August 11, 2010 (HOL) - Haya'daha ADRA iyo World Vision oo Xarrakatul Shabaabul Mujaahihiin ay maalintii Isniinta ahayd ee lasoo dhaafay ka joojisay howlihii ay ka hayeen deegaannada ay gacanta ku hayaan ayaa ku gacansayray arrintaas.

Arbaco, August 11, 2010 (HOL) - Shir looga hadlayay ammaanka magaalada Muqdisho ayaa shallay oo Talaado ah wuxuu ku dhexmaray Muqdisho xildhibaanno, waxgarad iyo saraakiil ka tirsan hoggaanka ciidanka Soomaaliya.

Arbaco, August 11, 2010 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadal ku aaddan bisha barakeysan ee Ramadaan u jeediyay shcaabka Soomaaliyeed ayaa ka codsaday inay iscafiyaan, ayna nabadda dalkooda ka shaqeeyaan.

Somali News

8/11/2010 6:05 PM EST
Mogadishu, Somalia, Al- Sharq Al Awsat Newspaper published on August 7, a wholly fabricated memo purportedly signed by the Somalia President.

8/11/2010 5:09 PM EST
APA-Nairobi (Kenya) Muslim leaders in Kenya on Wednesday accused Kenya’s anti-terrorism police unit of harassment of Muslims following the bombings in Kampala last month that left at least 74 people dead.

8/11/2010 5:08 PM EST
NAIROBI, Kenya — A Kenyan man who once told authorities he was part of al-Qaida plot to blow up the U.S. Embassy in Nairobi is now facing charges in connection with last month's terror attacks in Uganda but is free on bail, authorities said Wednesday.

8/11/2010 5:04 PM EST
Breast cancer rates in the UK are over four times higher than those in Eastern Africa, World Cancer Research Fund (WCRF) has revealed.

8/11/2010 5:03 PM EST
Both peacekeepers and insurgents say fighting in Somalia is set to increase during the Muslim holy month of Ramadan.

8/11/2010 5:01 PM EST
Muslim leaders have asked the government to return Kenyans extradited to Uganda over the Kampala bombings.

8/11/2010 4:57 PM EST
APA-Addis Ababa (Ethiopia) Ethiopian Prime Minister, Meles Zenawi on Wednesday hinted re-sending troops to Somalia if the African Union Mission In Somalia (AMISOM) becomes under heavy threat.

8/11/2010 4:55 AM EST
DUBAI // The kidnapped crew of a UAE-owned ship hijacked by Somali pirates is pleading for humanitarian intervention as negotiations for their release enter a fifth month.

8/11/2010 4:50 AM EST
(CNN) -- More U.N. personnel will be sent to war-ravaged Somalia after years of low staff levels in the troubled nation, a top official said Tuesday.

8/11/2010 4:45 AM EST
U.S. officials believe the journey for Hammami -- one of 14 U.S.-born and naturalized citizens to be indicted last week on charges of conspiring with a Somali terrorist organization affiliated with al Qaeda -- took him from a small town in Alabama to a radical command role in Somalia.

8/11/2010 4:41 AM EST
MANCHESTER – Despite a looming cloud of pepper spray and a robber demanding money, the owner of a Cedar Street food store picked up a nearby chair, swung it and struck the would-be robber, sending him fleeing empty-handed last night.
Click here