Dagaal ciidamo kawada tirsan Dowladda Soomaaliya maalintii labaad ku dhexmaray Degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho

Khamiis, April 29, 2010 (HOL) - Dagaal maalintii labaad ku dhexmaraya Degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho ciidamo kawada tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sababay inay dhintaan ugu yaraan 4-qof oo isugu jira shacab iyo askar.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 5-qof oo afar ka mid ay ahaayeen dad rayid ah kuwaasoo ay rasaastu ugu gashay guryahooda, iyadoo dagaalka oo socday 3-saacadood oo xiriir ay joojiyeen ciidamo ka tirsan Milateriga Dowladda.

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Dharkeynley Yuusuf Ibraahim Afrax ayaa sheegay in dagaalkan uu ahaa mid uu degmada ku qaaday Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo uu sheegay inuu ka careysan yahay nabadgalyada ka jirta Degmada.

"Dagaalka waxaa ku dhintay afar qof oo saddex ka mid ah ay yihiin ciidamadii uu dagaalku u dhexeeyay, wuxuuna ka dhashay koontarool lacago lagu qaado, waxaana cadeynaynaa in dagaalkaas uu mas'uul ka yahay Muuse Suudi" ayuu yiri Afrax.

Mas'uulkan wuxuu sheegay in dagaalkii maanta dhacay uu hakad ku keenay ganacsiga degmada iyo howlihii kale, waxaana degmadan ay ka mid tahay degmooyinka yar ee ay gacanta ku hayso Dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow ayaan ka hadlin eedeynta loo soo jeediyay, waxaana dagaalkan uu daba socday dagaal shalay ka dhacay isla degmadaas kaasoo ay ku dhinteen 2-qof oo rayid ah, welina waxaa jira xiisado colaadeed.

Shacabka ku nool degmada Dharkeynley ayaa waxay walaac xooggan ka muujiyeenh dagaallada soo laalaabtay ee ku dhexmaraya degmadooda ciidamo kawada tirsan Dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya