4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2009
Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo cambareeyey dagaallada ka socda Muqdisho

Ergayga gaarka ah ee Q/Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould Abdallah
Talaado, 12, 2009 (HOL): Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmed Ould-Abdallah ayaa si xoog leh u cambaareeyey dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho ee lagu bartilmaameedsanaayo Dawlada Sharciga ah ee Soomaaliyeed,wuxuuna sheegay dagaalka iyo qaska socda ee sababay dhimashada iyo barakaca dad fara badan oo shacab ah uu yahay mid aan la aqbali karin.

Ould Abdallah waxaa uu ku baaqay in ay lagama maarmaan tahay in dagaalladaas sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyaa , loona turaa dadka rayidka ah, wuxuuna xusay in dagaallada socda ay wadaan dad sida uu yiri kheyru mas’uuliyiin ah oo heysta taageerada dad ajnabi ah. Wuxuu sheegay Ould Abdallah in ay la yaab yahay in aaney ilaa iyo haatan jirin qabiillo si caddaan ah u sheegtay dagaallada ka socda Soomaaliya.

“Dadka Soomaaliyeed waxay si cad u muujiyeen inay ka xun yihiin kana daallan yihiin dagaal, haddana mar labaad ayaa dagaal la geliyey kaasoo   lagu dilay laguna barakiciyey dad aan waxba galabsanin oo Rag, Haween iyo Caruurba leh. Ma garanaayo sababta Soomaali dhexdeeda u dagaallamayso isuna dilayso”ayuu mar kale yiri Ahmedou Ould Abdallah.

Ergayga gaarka ah wuxuu yiri geedi socodka nabada Jabuuti waa uu socdaa wuxuuna u furan yahay koox kasta oo taageerta Nabadda iyo deganaanshaha. Wuxuu kaloo sheegay inuu ku faraxsan yahay in Ururada Gobolka sida IGAD iyo Ururka Midowga Afrika ay si shaqse leh tallaabo u qaadeen una cambaareeyeen fidnada socota, diideenna sida uu u yiri  gardaraysiga iyagoo diyaarinaya tallaabo ay wax uga qabanayaan.

“Haba yaraatee ma jiro wax cudurdaar ah oo loo helayo qaskan socda, kuwa qaaday weerarkana waa inay diyaar u ahaadaan inay qaadaan mas’uuliyadda ka dhalan karta ficilkooda.  Waxay ku talagalsan yihiin inay sii wadaan deganaansho la’aantii iyo is-xukun la’aantii dalka ka jirtay 20kii sano ee la soo dhaafay, haddaba arintani waa in ay diidaan dhamaan dadka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamkuba” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ahmedou Ould Abdallah oo soo saaray Warsaxaafadda uu ku cambaareynayo dagaalladii maalmihii tegay ka dhacayay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.

Wixii faahfaahin ah, fadlan la xiriir: Susannah Price ama Donna Cusumano Public Information Officers, UN Political Office for Somalia (Nairobi, Kenya) Tel +254 20 762 1192/1625 ama +254 733 902 020/737 400 133 Fadlan Booqo: www.UN-Somalia.org

Hiiraan Online News Desk