4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2009
MADAXA SIYAASADDA AL-SHABAAB: “Shacabka Soomaaliyeed waxaan uga digeynaa in Ajnabi lagu tilmaamo Muslimiin u soo gurmaday Soomaaliya”

Talaado,  May 12, 2009(HOL): Madaxa Siyaasadda iyo Gobollada Al-Shabaab Shiikh Cali Fiidow oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id uga hadlay hadallo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo ahaa in ay Al-shabaab ka dhinac dagaallamayaan rag ajnabi ah, dagaalladii Muqdisho ka dhacay maalmihii aynu ka soo gudubnay, go’aanno dagaal-joojin ah oo ay saartay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo sida ay Dowladda u dhaqangelineyso Shareecada Islaamka.

Shiikh Cali Fiidow waxaa uu sheegay in xiligii Hoggaamiye Kooxeedyada ay la dagaallamayeen ay rag Muslimiin ah uga yimaadeen Dalalka Caalamka, gaar ahaan kuwa  muslimka iyagoo sida uu yiri heli karay in ay raaxo ku noolaadaan, isla markaana ay la joogaan caruurtooda iyo xaasaskooda, “Mujaahidiintaas qaarkood halkan ayay ku shahiideen, kuwana waa ay ku dhaawacmeen, waxayna naftooda u hureen in ay difaacaan shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Shiikh Cali Fiidow.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka digeynaa in Ajnabi lagu tilmaamo Muslimiin u soo gurmaday Soomaaliya” ayuu yiri Shiikh Cali Fiidow oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed aan looga fadhin in ay ku abaal-dhacaan raggii ka dul-kiciyay hoggaamiye kooxeedyadii sida uu yiri heystay mudada dheer.

Shiikh Cali Fiidow waxaa kale oo uu shirkiisa jaraa’id uga hadlay dagaallo maalmihii aanu ka soo gudubnay ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay dagaalladaas u dhaxeeyeen Xoogaggooda iyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom,  “Dagaalka waxaa wada galay Mujaahidiinta iyo Ciidamadii Koobiga ahaa ee hore iyo Koobiga cusub iyo Ciidamada Amisom oo dhibaato ba’an u geystay shacabka Muqdisho”ayuu mar kale yiri Shiikh Cali Fiidow oo intaas ku sii daray in duqeyn ay Ciidamada Amisom u geysteen Magaalada Muqdisho ay ka darneyd tii ay sameyn jireen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa.

Go’aanno ay soo saartay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayuu sidoo kale shirkiisa jaraa’id uga hadlay Shiikh Cali Fiidow, wuxuuna sheegay in aaney Culumaa’udiinkaas ahayn kuwo dhexdhexaad ah, wuxuuna carrabka kudhuftay in laga xukumo Madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina,  waxaa uu sheegay Shiikh Cali Fiidow in ku dhaqanka Shareecada ay ansixisay Dowladda ay noqotay sida uu hadalka u yiri in ay Ciidamadeeda dadka ku dhacaan Ex-Koontarool Afgooye, wuxuuna caddeeyay in aysan taasi ahayn ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya