3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2009
Kulan looga hadlayay Arrimaha Soomaalida oo lagu qabtay Dalka BELGIUM


Talaado, May 12, 2009(HOL): Ururka BANAADIRVZW oo ka dhisan Wadanka Belguium Gaar ahaan Magaalada GENT ayaa Waxay Casuumaad soo dhaweyn ah u sameeyeen Ururo ka kala Yimiday Wadamada Netherland & Sweden oo kala ah S.S.U.P & EUROSOMA & S.N.B.F iyo marti Sharaf kale oo iyagana ka kala Yimid Qaar ka tirsan Wadamada Qaaradda Yurub.

Ugu horreyntii ayaa halkaas waxaa ku soo dhaweeyay guddoomiyaha Ururka BANAADIRVZW Mr:Maxamed Xassan Shiraaye isagoo ka hadlay ahmiyada ay leedahay in kulan noocaan oo kale ah ay iskugu imaato soomaalida ku nool Dalalka Qurbaha.wuxuuna sheegay in mar waliba loo baahanyahay in laga shaqeeyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay tahay mid muqadas ah.

Sidoo kale waxaa isna Kulankaas ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga S.S.Y.P Md: Maxaaxi isaga oo sidoo kale ka sheekeeyay ahmaida ay leedahay in ururada ka dhisan wadamada qaarada yurub ay ku kulmaan kulamo noocaan oo kale ah, waxaana uu sheegay in xilagan loo baahanyahay in Soomaalida qurbaha ay ka shaqeeyaan in la nabadeeyo Dalka Soomaalya.

Drs: Khadijo Aadan oo ah guddoomiye Ku xigeenka Ururka EUROSOMA isla markaana ah Gabar ka shaqeeysa raadinta nabdda Soomaaliya ,ayaa iyadana ku Dheeraatay in laga Shaqeeyo Danta Guud lagana Dheeraado in aan laga Shaqeynin Mar Walba Danta Gaar ahaan iyadoo sidoo kale Qudbadeeda ku soo Qaadatay oo halkaas ka soo jeedisay in loo baahanyahay in mar waliba laga shaqeyo Nabadda,waxaana ay sheegtay in arintaas daraadeeda ay u booqatay Wadamo badan oo ku yaala Qaaradda Yurub iyo Kenya iyo Jabuuti iyo itoobiya,waxaana ay Qudbadeeda ku soo af jartay Cudurdaar ay ka waday Gudoomiyaha SOMALISKA NORDEN BISTÅND FÖRENING Md:Nuur Cali Gacal oo aan isga Goobtaas ka soo Qaybgalin arimo Mashquul dardaadeed oo ay sheegtay in uu imaan doono Kulamada kale waana laga aqbalay soo jeedinteeda

Inj. Guleed Axmed oo ah Gudoomiyaha Ururka EUROSOMA ayaa isaga Halkaas ka sheegay in laga Fogaado waxa uu ugu yeeray Qabiilka oo uu sheegay in uu ka mas,uul yahay Bur Burka ka aloosan Dalka Soomaaliya.Qabiilkana aan loo adeegsan dano Gaar ahaaneed,waxaana uu ugu Baaqay Dadkii kulankaas ka soo Qayb Galay in ay Taageeraan Nabadda iyo dawladda Cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale kulankaan ayaa waxaa ka hadlay Madax kale oo ka socotay Xubnaha ururka BANAADIRVZW oo uu ka mid yahay Kamaal axmed Maxamuud iyo xubno ka socday Soomaalida ku Nool dalalka Qaraada yurub iyo Wadanka Belgumka

Gabagabadii Kulankan ayaa waxaa Su’aalo ay ku weydiiyeen Soomaalidii ka soo qaybgashay Madaxdii ka hadashay kulankan iyagoo uga jawaabay dhamaantood si waafi ah oo dadkii kulanka ka soo qayb galay ay aad ugu qanceen. kulankana waxaa u ku soo gabagaboobay sidii loogu talay galay iyadoo Dhamaan Dadkii ka soo qayb galay ay aad ugu faraxsanaayeen kulanka.




Maxamed Abuukar Shiikh Xassan (M.deeq)
[email protected]
GSM:+31643642191













Click here
5/12/2009 12:42 PM EST
Talaado, 12, 2009 (HOL): Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah ayaa si xoog leh u cambaareeyey dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho ee lagu bartilmaameedsanaayo Dawlada Sharciga ah ee Soomaaliyeed,wuxuuna sheegay dagaalka iyo qaska socda ee sababay dhimashada iyo barakaca dad fara badan oo shacab ah uu yahay mid aan la aqbali karin.

5/12/2009 12:33 PM EST
Talaado, 12, 2009 (HOL) Warar goor dhaw soo baxay ayaa xaqiijinaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Xoogagga Al-shabaab iyo kooxo ka soo horjeeda uu ka bilawday deegaanka Maxaas ee Goballka Hiiraan.

5/12/2009 7:03 AM EST
Talaado, May 12, 2009(HOL): Madaxa Siyaasadda iyo Gobollada Al-Shabaab Shiikh Cali Fiidow oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id uga hadlay hadallo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo ahaa in ay Al-shabaab ka dhinac dagaallamayaan rag ajnabi ah, dagaalladii Muqdisho ka dhacay maalmihii aynu ka soo gudubnay, go’aanno dagaal-joojin ah oo ay saartay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo sida ay Dowladda u dhaqangelineyso Shareecada Islaamka.

5/12/2009 4:54 AM EST
Talaado, May 12, 2009(HOL): Kooxda Al-shabaab oo bilihii aynu soo dhaafnayba ku sugnaa qeybo ka mid ah Gobollka Hiiraan ayaa si toos ah waxaa ay ula wareegeen gacan ku heynta degmada Buula-burte oo qiyaastii u jirta 115 km Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan.

5/12/2009 3:21 AM EST
Talaado, May 12, 2009(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in dagaalladii maalmihii tegay ka dhacayay Magaalada Muqdisho ay ka dambeeyaan Dad gobollo kale ka yimid.

5/12/2009 3:09 AM EST
Talaado, May 12, 2009(HOL): 14 Burcad Badeed Soomaali ah oo ay qabteen marar kala duwan Ciidamada Badda Spain ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa lagu wareejinayaa Dowladda Kenya , sidaasi waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain.

5/12/2009 2:40 AM EST
Talaado, May 12, 2009(HOL): Xabad-joojin aan cago badan ku taagneyn ayaa saaka waxay ka jirtaa xaafadihii ay maalmihii tegay dagaallada ka dhacayeen ee magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kalena uu magaalada ka socdo barakac aad u baahsan.

5/12/2009 2:40 AM EST
Talaado, May 12, 2009(HOL): Dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay dagaallada ka socda Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo xoogagga hubeysan oo ka soo horjeeda.

5/12/2009 2:38 AM EST
Talaado, May 12, 2009(HOL): Maxkamadda Gobolka Saaxil ayaa xukun xadhig ah ku ridday 14 Nin oo saddex ka mid ahi maqan yihiin, kuwaas la sheegya in lagu helay falal Budhcad-Badeednimo.