4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2009
Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo la wareegay gacan-ku-heynta Degmada Buulo-burte ee Gobollka Hiiraan

Talaado,  May 12, 2009(HOL): Kooxda Al-shabaab oo bilihii aynu soo dhaafnayba ku sugnaa qeybo ka mid ah Gobollka Hiiraan ayaa si toos ah waxaa ay ula wareegeen gacan ku heynta degmada Buula-burte oo qiyaastii u jirta 115 km Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan.

Ilo madax bannaan oo ku sugan Degmada Buula-burte ayaa waxaa ay u xaqiijiyeen HOL in Kooxda Al-shabaab si Nabad ah ay kula wareegeen Xarumaha Maamulka Degmada Buula-burte sida Sadhigga Baliiska iyo Xarunta degmada oo markii hore ay joogeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Islaamiga ah ee ka dhisan Goballka Hiiraan. lama sheegin wax dagaal ah oo dhaxmaray labada dhinac.
 
Wararka qaar ayaa sheegaya in lagu arkayay Xarunta Degmada Buula-burte Calanka Astaanta  u ah Koox Diimeedka Al-shabaab iyo gaadiid kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin oo dhaxmaraya gudaha degmada taas oo cabsi ku dhalisay qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Buula-burte.
 
Degmada Buula-burte oo ku taalla goob Istiraatiji ah marka loo eego isku xirta Goballada dhexe iyo Caasimada Muqdisho ayaa noqoneysa degmadii ugu horreysay oo ay si toos ah Maamulkeeda ula wareegaan Kooxda Al-shabaab oo ka tirsan xoogagga isku haya Siyaasadda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in dhawaan kooxdaasi is-hortaageen dhaliyaro ku sii jeeday Magaalada Muqdisho kuwaas oo uu qorshuhu ahaa in lagu soo tababaro Dalka Jabuuti si markaas ay uga mid noqdaan Ciidamada Dowladda Federaalka.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]