4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2009
Spain oo Burcad Badeed Soomaali ah ku wareejineysa Kenya

Talaado,  May 12, 2009(HOL): 14 Burcad Badeed Soomaali ah oo ay qabteen marar kala duwan Ciidamada Badda Spain ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa lagu wareejinayaa Dowladda Kenya , sidaasi waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain.

Miguel Angel Moratinos oo ah wasiirka Arrimaha Dibadda Spain ayaa sheegay in Kooxaha Burcad Badeedka ah si dhaqsi ah loogu wareejinayo Dowladda Kenya, iyadoo taasina uu dhigayo heshiis ay wada gaareen Dowladda Kenya iyo Midowga Yurub.

Go’aankan ayaa waxay qaadatay Dowladda Spain kadib markii Xaakimka Maxkamadda Qaranka Spain oo lagu magacaabo Fernando Andreu uu ka codsaday madaxa Ciidamada Spain General Jose Julio Rodriguez in Kooxaha Burcad Badeedka ah la maxkamadeeyo.

Markab dagaal oo ay leedahay Spain iyo Ciidamo saaran ayaa waxay biyaha Caalamiga ah ee Badweynta Hindiya waxay ka qabteen Kooxo Burcad Badeed ah kuwaasi oo doonayay in ay qabsadaan Markab wata Calanka Panama.

Kooxaha  Burcad Badeedka ah ee ay qabtaan Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Midowga Yurub ayaa waxaa lagu wareejiyaa Dowladda Kenya, si halkaas loogu maxkamadeeyo, halka kuwa ay qabtaan Ciidamo NATO-na la sii daayo sabab la xiriirta iyagoo aan amar u qabin in ay xiraan Kooxaha Burcad Badeedka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya