4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2009
Xabad-joojin aan cago badan ku taagneyn oo ka jirta goobihii ay shalay dagaallada ka dhacayeen ee magaalada Muqdisho

Talaado,  May 12, 2009(HOL): Xabad-joojin aan cago badan ku taagneyn ayaa saaka waxay ka jirtaa xaafadihii ay maalmihii tegay dagaallada ka dhacayeen ee magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kalena uu magaalada ka socdo barakac aad u baahsan.

Xaafadaha Siinaay iyo Fagax ee Magaalada Muqdisho oo ay shalay ka dhaceen dagaallo xooggan oo khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira geystay ayaa saaka waxay yihiin kuwo xasilloon, inkastoo dhinacyadii ku dagaallamay ay joogaan meelo isu muuqda.

Xaafadahaas iyo kuwo kale oo u dhow ayaa saaka waxaa ka socda barakac aad u baahsan, waxaana waddooyinka laamiga ah iyo kuwa xaafadaha dhexdooda mara lagu arkayaa dad u badan haween iyo caruur, kuwaasi oo ka qaxaya goobaha dagaallada ka dhaceen.

Haddii dagaallo ay ka dhacaan Magaalada Muqdisho ayaa dhibaatada ugu badan waxay ku dhacdaa dadka rayidka ah, gaar ahaan Haweenka, Caruurta iyo Dadka Waayeellada ah, waxayna taasi keentay in dadkaas marrasta ah  ka barakacaan goobaha ay dagaallada ka socdaan iyo weliba kuwo u dhow.

Ma muuqdo ilaa iyo haatan dadaal lagu xalinayo dagaallada maalmihii tegay ka dhacayay magaalada Muqdisho, waxayna dhinacyada dagaallamaya u muuqdaan kuwo weli u harraad qaba in ay sii dagaallamaan.

Kala soco halkan wixii ku soo kordha Xaaladda Muqdisho Insha Allaah

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya