4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2009
Dowladda Mareykanka oo cambaareysay Dagaallada ka dhacaya Muqdisho, kuna baaqday in la joojiyo

Talaado,  May 12, 2009(HOL): Dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay dagaallada ka socda Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo xoogagga hubeysan oo ka soo horjeeda.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa waxaa loogu baaqay dhinacyada ay dagaallada u dhaxeeyaan in ay  joojiyaan colaadda u dhaxeysa, isla markaana ay taageeraan geeddi-socodkii Jibouti, ayna hoosta ka xariiqaan muhiimadda ay leeyihiin dadaallada xal-doonka ah ee uu wado Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah.

Dowladda Mareykanka sidoo kale waxay baaq u dirtay dowladaha gobolka, kuwaasi oo ay ugu yeertay in ay taageeraan geeddi-socodkii Jibouti ee nabadeynta Soomaaliya, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo wiiqaya nabadda iyo Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kalena, waxaa dagaalladan ka hadlay, isla markaana ku baaqay in la joojiyo Ururrada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, kuwaasi oo mas’uuliyiin u hadlay ay sheegeen in dagaallada ka socda Caasimadda Soomaaliya ay yihiin kuwo ayaan darro ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya