4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2009
Xukuumadda Somaliland oo Kooxdii afraad ee Burcad-Badeed ah ku ridday Xukun kala duwan

Talaado,  May 12, 2009(HOL): Maxkamadda Gobolka Saaxil ayaa xukun xadhig ah ku ridday 14 Nin oo saddex ka mid ahi maqan yihiin, kuwaas la sheegya in lagu helay falal Budhcad-Badeednimo.

Siday sheegayaan Wararka ka imanaya Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, 14-ka Nin ayaa lagu xukumay xadhig u dhaxeeya 15 ilaa 20 sanno. Halkaas oo Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Saaxil Cismaan Ibraahim Daahir oo xukunka nimankan kaga dhawaaqay fadhi ammaankiisa la adkeeyay oo ay maxkamaddu ku dhegaysanaysay dacwadooda, uu sheegay in xukunka kooxdan ay u cuskadeen Qodobada 130,134,73 iyo 118 ee Xeerka ciqaabta guud, waxaanu tilmaamay in nimankani ay eedaha loo haystay qirteen. Waxaanay Maxkamaddu 5 ka mid ah Kooxdan ku xukuntay 20 sanno oo xadhiga ah, halka Sagaalka kalena ay ku xukuntay min 15 sanno oo xadhig ah.

Kooxdan la xukumay ayaa siday Wararku sheegayaan waxa ku jira Nin dhaawac ah oo lagu dawaynayo Cusbitaalka Magaalada Berbera, kaas oo la sheegay in ay halkaa ku booqdeen Guddoomiyaha Maxkamadda, Xeer-ilaaliyaha iyo Qareen u doodayay. Waxaana la sheegay in uu qirtay inay Kooxdani ay doonayeen inay bilaabaan sidii ay Maraakiibta shisheeyaha ah uga afduubaan biyaha Somaliland.

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Saaxil ayay Wararku intaa ku dareen in uu Ciidamada illaalada Xeebaha Somaliland ku wareejiyay 2 Laash, Baasuukeyaal, Rasaas, Baastoolado iyo Sallaamada ay kooxaha budhcad-Baddeedku ay ku fuulaan maraakiibta, oo lagu qabtay Kooxdaas.

Nimankan ayaa dhammaantood la sheegay inay ka soo jeedaan Somaliland, ayaa ah Kooxdii shanaad ee Budhcad-baddeed ah ee Somaliland gacanta ku dhigto, isla markaana lagu maxkamadeeyo Magaalada Berbera. Marka laysu geeyo dadka loo qab-qabtay falalka Budhcad-Badeednimo ee ku jira Xabsiyada Somaliland ayaa tiradoodu waxay gaadhaysaa 40 qof.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland