3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2009
Baarlamaanka Soomaaliya oo si KMG ah ugu shiri doona Xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho

Talaado, March 10, 2009(HOL): Golaha Baarlamaanka Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa wuxuu si KMG ah ugu shiri doonaa Xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hor intii aan la ballaarin wuxuu si KMG ah ugu shiri jiray Xaruntii ADC-da ee Magaalada Baydhabo, halkaasi oo haatan uu ka taliyo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo si weyn uga soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa maanta lagu wareejiyay dhisme weyn oo  ku dhex yaalla Xarunta Gaadiidka Booliska, kaasi oo ay ku shiri karaan Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xaruntan ayaa waxaa dayactir ku sameysay Xukuumaddii Prof. Cali Maxamed Geeddi, waxaana intii ay Xukuumaddaas jirtay lagu qabtay Shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed oo ay ka soo baxeen qodobo wax looga bedelay Axdigii u degsanaa Dowladdii TFG-da.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo gudaha Xarunta Gaadiidka Booliska kula hadlayay Warfidiyeenno ayaa sheegay in 12-ka bishan uu Baarlamaanka Soomaaliya shirkiisa ugu horreeya ku yeelan doono Xarunta Gaadiidka, wuxuuna ugu baaqay Xildhibaannada in ay shirkaas ka soo qeybgalaan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa marka uu shirka isugu yimaado 12-ka bishan waxaa horyaalla ajendayaal badan oo la doonayo in uu ka doodo, kadibna uu meel-mariyo, waxaana ajendayaashaas ugu muhiimsan mid ku saabsan in Shareecada Islaamka lagu dhaqo Dalka Soomaaliya, kaasi oo ay maanta isku raaceen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia













Click here
3/10/2009 8:32 AM EST
Talaado, March 10, 2009(HOL): Golaha Wasiirrada Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa maanta isku raacay in Shareecada Islaamka lagu dhaqo Dalka Soomaaliya.

3/10/2009 8:21 AM EST
Talaado, March 10, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyowafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta wuxuu gaaray Magaalada Bujumbura ee Xarunta u ah Dalka Burundi.

3/10/2009 5:29 AM EST
Talaado, March 10, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Kenya Mwai Kibaki ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed in uu raadiyo dadka ka soo horjeeda Dowladdiisa, uuna ku soo daro.

3/10/2009 5:28 AM EST
Talaado, March 10, 2009(HOL): Xaaladda Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo shalay uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Xoogag kala taabsan Ahlu Sunna Wal-Jamaaca iyo Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay degan tahay, inkastoo ay jirto cabsi ku saabsan in uu dagaalka dib u qarxo mar kale.

3/10/2009 5:23 AM EST
Talaado, March 10, 2009(HOL): Mas’uul u hadlay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa eedeyn u jeediyay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Dowladda Midnimada Qarane e Soomaaliya.

3/10/2009 5:22 AM EST
Talaado, March 10, 2009(HOL): Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka taliya deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa ka digay iska hor-imaadyo iyo nabadgelyo-darro ka dhacda degmada Cadaado iyo deegaanno hoos-yimaada.