3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2009
Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Magaalada Bujumbura ee Dalka Burundi

Talaado, March 10, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyowafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta wuxuu gaaray Magaalada Bujumbura ee Xarunta u ah Dalka Burundi.

Madaxweynaha ayaa waxaa Dalka Burundi uga bilaabatay booqasho seddex maalmood ah oo uu dalkaas ku joogayo, wuxuuna kulamo la qaadan doonaa inta Bujumbura joogo  madaxweynaha dalkaas Pierre Nkurunziza.

Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa dalka Burundi wuxuu u tegay arrimo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Burundi iyo sidoo kale in uu Dowladda iyo Shacabka Burundi uu uga tacsiyeeyo 11 Askari oo Ciidamada Burundi ka tirsan, kuwaasi oo dhawaan ku geeriyooday Qarax is-miidaamin ah oo lagula beegsaday  fariisin ay ku leeyihiin Xarunta Jaamacaddii Umadda ee Magaalada Muqdisho, sidoo kalena wuxuu uga tacsiyeyn doonaa saraakiil Ciidamada Burundi ka tirsanaa oo shalay ku geeriyooday diyaarad kula dhacday Harada Victoria ee Dalka Uganda.

Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo booqanaya dalal dhowr ah oo Bariga iyo Bartamaha Afrika ku yaalla ayaa wuxuu  sidoo kale Dowladda Burundi kala hadli doonaa arrimo ku saabsan Ciidamada ka jooga Soomaaliya iyo weliba Mustaqbalka Ciidamadaas.

Marka ay Madaxweynaha u dhamaato booqahada uu ku joogo Dalka Burundi wuxuu sidoo kale booqan doonaa Dalalka Uganda iyo Ruwanda, kuwaasi oo uu sidoo kale madaxdooda  kala hadli doono arrimaha xiriirka Soomaaliya iyo Wadamadaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia













Click here
3/10/2009 8:32 AM EST
Talaado, March 10, 2009(HOL): Golaha Wasiirrada Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa maanta isku raacay in Shareecada Islaamka lagu dhaqo Dalka Soomaaliya.

3/10/2009 8:23 AM EST
Talaado, March 10, 2009(HOL): Golaha Baarlamaanka Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa wuxuu si KMG ah ugu shiri doonaa Xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho.

3/10/2009 5:29 AM EST
Talaado, March 10, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Kenya Mwai Kibaki ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed in uu raadiyo dadka ka soo horjeeda Dowladdiisa, uuna ku soo daro.

3/10/2009 5:28 AM EST
Talaado, March 10, 2009(HOL): Xaaladda Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo shalay uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Xoogag kala taabsan Ahlu Sunna Wal-Jamaaca iyo Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay degan tahay, inkastoo ay jirto cabsi ku saabsan in uu dagaalka dib u qarxo mar kale.

3/10/2009 5:23 AM EST
Talaado, March 10, 2009(HOL): Mas’uul u hadlay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa eedeyn u jeediyay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Dowladda Midnimada Qarane e Soomaaliya.

3/10/2009 5:22 AM EST
Talaado, March 10, 2009(HOL): Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka taliya deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa ka digay iska hor-imaadyo iyo nabadgelyo-darro ka dhacda degmada Cadaado iyo deegaanno hoos-yimaada.