4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2009
Madaxweynaha Kenya oo ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya in uu raadiyo Dadka Dowladdiisa ka soo horjeeda

Talaado, March 10, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Kenya Mwai Kibaki ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed in uu raadiyo dadka ka soo horjeeda Dowladdiisa, uuna  ku soo daro.

Madaxweyne Kibaki waxaa uu u sheegay dhiggiisa Shiikh Shariif in horumar, nabad iyo amni laga helo Soomaaliya ay imaan karaan kaliya marka ay dadka Soomaaliyeed dhinac iska dhigaan kala fikir duwanaashadooda shakhsiga ah.

Intii uu socday kulanka dhexmaray labada madaxweyne wuxuu madaxweyne Kibaki u xaqiijiyay Madaxweyne Shariif in Dowladda Kenya ay sii wadi doonto taageeridda dadaallada nabadeed ee Soomaaliya ka socda, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in loo baahan yahay in la meel-mariyo guddi ay labada Dowladood wadajir u sameeyeen bishii Maarso ee 2008.

Madaxweyne Kibaki intaas kadib wuxuu ugu hambalyeeyay madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif doorashadii madaxweynenimo ee uu ku guuleystay dhawaan, wuxuuna u rajeeyay guul iyo horumar.

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo isna kulanka ka hadlay ayaa wuxuu madaxweynaha Kenya siiyay warbixin ku saabsan horumarka ilaa iyo hataan laga gaaray Soomaaliya, si gaar ahna wuxuu u soo qaatay soo qaabeyntii Dowladda uu madaxweynaha ka yahay.

“Waan la hadli doonna cid kasta oo nabad la dooneysa Soomaaliya”ayuuna yiri Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Kenya uu uga bilowday socdaal uu ku kala bixinayo dalal dhowr ah oo ku yaalla Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Shirka labada Madaxweyne dhexmaray waxaa si goob-joog ahaan ah uga qeyb qaatay Wasiirro ka tirsan labada dowladood. dhinaca Xukuumadda Soomaaliya waxaa fadhiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mohammed Abdullahi Omaar, Wasiirka Maaliyadda Shariff Hassan Aden, Wasiirka Amniga Qaranka Omar Hashi Aden, Wasiirka Gaashaandhigga Mohammed Abdi Gandi, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Abdullah Boos iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq Juriille, halka dhinaca Kenya-na ay kulanka ka qeybgaleen, Wasiirka Arrimah Dibadda Moses Wetangula, Wasiirka Ammaanka gudaha Prof. George Saitoti iyo Xoghayaha joogtada ah ee Arrimaha Dibadda Kenya Thuita Mwangi.

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa xilka madaxweynenimada loo doortay 31-kii Janaayo 2009 wax yar kadib markii uu is-casilay Madaxweynihii ka horeeyay C/llaahi Yuusuf Axmed.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa lagu wadaa in uu socdaallo ku soo kala bixiyo dalalka Burundi, Ruwanda iyo Uganda, isagoo madaxda dalalkaas kala soo hadli doona arrimo ku saabsan xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeyay dalalkaas, iyadoo ay xusid mudan tahay in dowladahas qaarkood ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia